Somaliland iyo UN-ka oo Kawada Hadlay Hawlaha Hortabinta u leh Qaranka

0
79

Qore Boqore Axmed Cabdi

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa Xafiiskiisa ku qaabiley ku xigeenka Wakiilka xoghaya guud ee Qaramada-midoobey, George Conway, kulankan ayaa lagaga wada hadlay qodobo muhiim ah oo ay mid ahaayeen wada shaqaynta Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qaramada Midoobey, nabadgelyada iyo mashaariicda horuumarineed, sida mashruuca maamul daadejinta ee JPLG.

Wasiirka wasaaradda arimaha Gudaha JSL, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa Wakiilka warbixin ka siiyey nabadgelyada Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo ah mid adag, , mashaariicda iyo hawlaha ay ka wada shaqeeyaan labada dhinac ee hortabinta u leh Qaranka.

Sidoo kale Wasiirka ayaa la wadaagay Wakiilka Qaramada-midoobey walaaca Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ka qabto hubka sharci-darradda ah ee ku qulqulaya Soomaliya, kaas oo maalmihii u danbeeyey hubkii ugu badnaa ee sharci-darro ahi uu gacanta u galay Qabaa’illo iyo Maleeshaad Soomaliiya ka tirsan, arrintaas oo khatar gelinaysa xasilloonida iyo nabad-gelyada Gobolka Geeska Afrika.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa la wadaagay masuuliyiinta Qaramada-midoobey Muhiimadda uu Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Itoobiya uu leeyahay heshiishkii is-afgarad ee ay kala saxeexdeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal-wasaare Dalka Itoobiya.

Kulankan ayaa ku soo dhamaaday isfaham iyada oo Wasiirka ay kulankan ku wehelinayeen Wasiir Kuxigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdillaahi Xuseen Maxamed iyo Agaasimaha Guud ee Amniga Mubaarik Axmed Cali.