Trump Donald Maxkamadda Sare ee Maraykanka oo xasaanad siisay

0
77

Maxkamadda Sare ee Maraykanka ayaa Isniitnii shalay soo saartay xakun xasaanad ballaadhan siinaya madaxweynihi hore ee Maraykanka Donald Trump, taas oo ka dhigan in dib u dhac uu ku iman doono maxkamadeynta Trump ee kiiska rabshadihii ay qaar ka mid ah taageerayaashiisa ku weerareen xarunta Coongareeska horraanti sannadki 2021-ki.

Dacwadda la xidhiidha in Trump uu isku dayay inuu dhinac kale u rido doorashadi looga guuleystay ee sannadki 2020-ki, ayaa tan iyo sannadki hore ka socotay maxkamad ku taalla magaaladan Washington D.C, waxaana loo ballansanaa in la qaado ka hor doorashada 5-ta Novemebr.

Xakunka Maxkamadda Sare ayaa waxaa aqbalay 6 garsoore, halka ay saddexna  ka soo horjeesateen. Waxa uu laalayaa go’aankii maxkamadda hoose ee lagu diiday sheegashadii Trump ee ahayd inuu leeyahay xasaanad madaxweyne oo ka hor istaageysa in hey’adaha federaalka Maraykanka ay dacwad ku soo oogaan isaga.
Maxkamadda Sare ayaa 9-ka garsoore ee leh awoodda ugu sarreysa ay 6 ka mid ah yihiin Jamhuuri, halka saddex-da kale ay dimoqraaddi yihiin.

Maxkamadda Sare ayaa go’aamisay inaanan Trump loo maxkamadeyn karin ficillada uu ku dhaqaaqay inti uu haystay awoodda dastuuriga ah ee madaxtinimo, balse lagu soo oogi karo danbiyada gaarka u ah.
Go’aankaan taarikhiga ah ayaa ka dhigan guul weyn oo siyaasadeed oo u soo hoyatay madaxweynihi hore ee Maraykanka Donald Trump.

Qoraal uu soo dhigay barta X ee horay loo dhihi jiray Twitter, ayuu Trump ku muujiyay dabaal-daggiisa go’aankan, isaga oo yidhi “GUUL WEYN”

Madaxeyne Joe Biden oo arrintan war kasoo saaray ayaa go’aanka maxkamadda sare ee Maraykanka ku tilmaamay mid tusaale khatar ah u jideynaya xakunnada Maraykanka.

Maxkamadda Sare ee Maraykanka ayaa horay u diidday dadaallo lagu doonayay in Trump laga mamnuuco codbixinta, sababo la xidhiidha ficilladiisii ka dib doorashadii 2020-ka.

Donald Trump, madaxweynihii hore ee Maraykanka ayaa hadda ah murashaxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimada Maraykanka ee Bisha November, wuxuu la baratami doonaa, madaxweynaha xilligaan Joe Biden, oo ah murashaxa xisbiga Dimoqraadiga.