Wasiirka Ciyaaraha oo ku Dhawaaqay Qabashada Horyaalada Kubada Cagta iyo Kolayga

0
73

Qore Boqore Axmed Cabdi

Hargaysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somalialnd Cabdirisaaq Muuse Faarax ayaa ku dhawaaqay horyaalada kubbadda cagta ee Caasimada iyo gobolada dalka iyo Horyaalada Kubbadda Kolayga ee Hargeysa, kuwaasi oo dhawaan ka qabsoomi doona dhammaan gobollada dalka.

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay bilaabayaan horyaalada kubada cagta ee Caasimadda iyo gobollada dalka iyo horyaalada kubada Kolayga ee Hargaysa.

Jadwalka horyaada kubada cagta Caasimadda iyo gobollada dalka iyo horyaalada kubada Kolayga ayaa u dhigan sidan:-

“Kubbadda Cagta Heerka 1aad, 2aad iyo 3aad Hargeysa ​​August, 11, 2024.

Horyaalada Kubbadda Cagta Heerka 1aad iyo 2aad Borama ​​​August, 15, 2024

Horyaalada Kubbadda Cagta Heerka 1aad iyo 2aad Sanaag​​​n August, 18, 2024

Horyaalada Kubbadda Cagta Heerka 1aad iyo 2aad Togdheer​​​ September, 16, 2024

Horyaalda Kubbadda Cagta Heerka 1aad iyo 2aad Saaxil​​​​ September, 17, 2024

Horyaalada Kubbadda Cagta Heerka 1aad iyo 2aad Gabilay​​​ September, 18, 2024

Horyaalka Kubbadda Kolayga Heerka 1aad iyo 2aad Hargeysa ​​​​22, July, 2024”.

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku hawlan sidii loo xoojin lahaa ciyaaraha lagu adkaynayo xidhiidhka isdhexgalka dhalinyarada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan iyo sidii loogu yarayn lahaa arrimaha la xidhiidha balwadaha iyo qabyaalada.