Xildhibaan Maraykan ah oo lagu Helay in uu u Shaqeeyey Masar

0
61

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan ka tirsan aqalka Senete-ka ee Maraykanka, Senator Bob Menendez ayaa lagu helay dhammaan eedaymo musuqmaasuq iyo in uu u shaqeeyay oo uu wakiil shisheeye u noqday dawladda Masar, eedahaasi oo lagu soo oogay Salaasadii todobaadkan.

Waxaa eedaha loo soo jeediyey ku jira, inuu laaluush isugu jira dahab iyo lacag ka qaatay saddex ganacsade oo ka soo jeeda gobolka New Jersey ee dalkan Maraykanka iyo inuu wakiil shisheeye u ahaa dowladda Masar.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in mudanahani uu ku takri falay awoodda xafiiskiisa si uu xulafadiisa uga ilaaliyo dambiyada iyo inuu wax taro asxaabtiis oo ay ku jirto xaaskiisu.

Xildhibaan Bob Menendez ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu kulamo kala duwan la galay sirdoonka Masar, si uu u debciyo mowqifkiisa, ugana shaqeeyo, sidii loo dedejin lahaa kaalmo ku kacaysa malaayiin doollar oo ah gargaarka Maraykanku uu siiyo dalkaasi.

Menendez ayaase ku dooday inaanu weligii jebin dhaartii uu u maray xafiiskiisa. sidoo kalena aanu marna muwaadin u noqonin dal aan ka ahayn Maraykanka, isla markaana anuu weligiis wakiil u noqon dal shisheeye.