Xukuumadda JSL oo Ku Baaqday in Dibu-qiimayn lagu Sameeyo Go’aankii Cunaqabataynta Hubka ee Soomaaliya

0
80

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa walaac ka muujisay hubka gacanta u galay maleeshiyo beeleedka degmada Caabudwaaq ee dalka Soomaaliya, waxayna sheegtay in qaadistii cunaqabataynta hubka Soomaaliya aanay ahayn go’aan sax ah.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu sheegay in saddexdii billood ee la soo dhaafay ay kooxda Al Shabaab dowlada ka qabsatay hub tiro badan.

“Dhacdadii dhawaan ka dhacday magaalada Caabudwaaq oo dad rayid ah iyo maleeshiyo beeleed ay ku qabsadeen hub iyo saanado kale oo badan oo ay ka heleen dowladda Muqdisho, ayaa waxay sii muujineysaa xaalada adag ee dhanka ammaanka ah” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Qoraalku waxa kale oo lagu sheegay in xaalada hada soo cusboonaatay ay tahay mid digniin u diraysa wadamada jaarka la ah Soomaaliya, isla markaana ay muujinayso in go’aankii cunaqabataynta hubka lagaga qaaday Soomaaliya aanu ahayn mid xikmad ku dhisan.

Gaba-gabadii waxay Somaliland beesha caalamka ugu baaqaysa in dib-u-qiimayn lagu sameeyo cunaqabataynta hubka Soomaaliya si looga fogaado qalalaase kale ayaa lagu yidhi qoraalka.