“Marka Sadexaad Haddii uu Xisbiga Kulmiye Guulaysto Waxa uu Noqonayaa Xisbi aan La Hawaysan” Wasiirka Warfaafinta JLS

0
73

Hargaysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland ahna af-hayeenka xukuumadda Cali Maxamed Xasan (Mareexaan) oo ka hadlayay xafladda xisbiga Kulmiye u qabtay  qurba joogta dalka ayaa sheegay in haddii doorashada uu xisbiga Kulmiye ku guulaysto marka sadexaad uu noqonayo xisbi aan dhiniciisa dhulka la dhigi karin, oo marka aan tartan danbe lala galin.

Dhinaca kale wasiirka wasaaradda warfaafinta ayaa ku wargaliyay dhamaan taageerayaasha xisbiga Kulmiye inay u diyaar garoobaan tartanka doorasha oo uu xusay in loo baahan yahay in si wayn loogu istaago, isla markaasina laga hawlgalo diyaarinta ololaha iyo arrimaha xisbiga.

Sidoo kale wasiirka warfaafinta ayaa masuuliyiinta xisbiga Kulmiye iyo taageerayaashaba ku booriyay in bulshada Somaliland ay u bandhigaan waxqbadka ka xukuumadda ahaan ay bulshada u qabteen, taasi oo uu sheegay in badelkeeda ay mucaaridku doonayaan in ay burush mariyaan, waxaa tilmaamay in aan la soo koobi waxqabadka iyo difaac dalka ee ay ka xukuumadda ahaan ku kaliyaysteen.

Geesta kale wasiirka warfaafinta ayaa tilmaamay in xisbiga Kulmiye uu aad ugu sheegan yahay arrimaha ololaha iyo doorashooyinka oo uu mar kasta u diyaarsan yahay sidii uu u guulaysan lahaa waxaanu yidhi

 

“ Xisbiga kulmiye waxa uu xisbiyada kale dheer yahay ee aan cidina kula tartami Karin waxa ka mid ah Qurba jooga, waxaanay hiigsanayaan halgankii iyo taariikhdii uu xisiga Kulmiye ka soo jeeday ama uu ku abtirsanaya.

Xaqiiqda marka laga hadlo xili doorasho ayaa inagu soo dhaw, xisbiga Kuliyena ololaha doorashada iyo abaabulka aad buu ugu sheegan yahay oo uu ugu tilmaaman yahay.

Waxan odhan lahaa doorasho wayn oo culus baa inagu soo food leh oo urrur iyo Madaxwayne oo isku sidkan ah, markaa tartan adag baa inagu soo socda gude iyo dibadba wax aynu  baahan nahay in aynu abaabulka iyo tartanka iyo ololaha aad iyo aad u xoojino.

Markii sadexdaad haddii uu xisbigu guulaysto sida aynu rajaynayno, waxa uu xisbigu noqonayaa xisbi aan waligiisba dhiniciisa dhulka la dhigin ama aan la hawaysan”.