Shir Kooban Ayaa Dhisay Dawlad Xoog Leh!

0
73

Sanadkii 1901, 2dii bishii December, ayuu ka furmay shir weyne magaalada Basel, ee dalka Switzerland, shirkaasi waxa qabtay bulashada Yuhuudda ah ee Yurub iyo Maraykanka deganayd. Goโ€™aanadii Shirkas ayay ka mid ahaayeen samaynta sanduuq qaadhan ah oo lacag lagu ururiyo taasi oo loo qorsheeyay in lagu iibsado guryaha iyo dhulka Falastiin ee Bulshada Carabtu leedahay , mulkiyadahoodana ay la wareegaan dadka Yuhuudda ah ee dhulkaasi.

Falastiin wakhtigaasi waxa gumaysan jiray Ingiriiska. Waxa kale oo shirkaasi lagu goโ€™aamiyay in dadka Yuhuudda ee aan shaqayn ee dhulkaasi degan dhamaantood laga ย shaqaaleeyo. Qorshaha muhiimka ah ee shirkaasi ayaa isna ahaa in muddo 50 gudahood ah la helo dhul iyo dawlad ay leeyihiin dadka Yuhuudda ah.ย  Qodobadii shirkaasi lagu gaadhay ayaa dhamaantood fulay , iyadoo sanadkiiย  1948 ay heleen dal iyo dawlad u gaar ah dadka Yuhuudda, dadkii reer falastiin ee degenaa dhulkaasi aya noqday kuwo ku hoos nool xukunka dawladda Israaโ€™iil.