Tuulo Yar oo Hindiya ku Taalla oo isugu soo Baxday Guul ugu Ducaynta Kamala Harris

0
81

Thulasendhrapuram, oo ah tuulo yar oo 300km u jirta koonfurta Hindiya magaalada Chennai (hore Madras) iyo 14,000 km u jirta Washington DC, waa Meesha ay ka soo jeedaan Kamala Harris awoowgii hooyo.

Bartamaha tuulada ayaa hadda si sharaf leh u dhejisatay boodh weyn oo Ms Harris, 59 jir a ay ku sawiran tahay.

Duco gaar ah ayaa dadka u akhriyayaan, iyaga ilaahooda uga baryaya in ay guulaysato – Ms Harris iyo magacyada hooyadeed ayaa ku jira liiska deeq-bixiyeyaasha macbadka tuuladaas.

Dadka tuuladan ayaa si dhow ula socday tartanka madaxtinimada Mareykanka ka dib ka bixitaankii Joe Biden iyo kor u kaca Ms Harris oo ah musharaxa suurtagalka ah xisbigaas.

โ€œRuntii aad ayaan ugu hanweynahay iyada. Mar dadka Hindida waxaa xukumayey dad shisheeye ah, hadda Hindidu waxay hormuud u yihiin waddamo awood leh.โ€ Ayay dhaheen dadkaasi.