Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Kormeeray Xarumaha Wasaaradda ee Balligubadle

0
60

Khadar.M.Dhako.

(Baligubadle Dawan):-Wasiir  ku  Xigeenka  Wasaarada Horumarinta  Caafimaadka Somaliland  Liibaan Yuusuf Gaaxnuug iyo  Agaasimaha guud ee  Wasaarada Caafimaadka Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa shalay soo kormeeray Xarumaha Caafimaadka ee  Gobolka  Hawd.

Wasiir  ku  Xigeenka  Wasaarada Horumarinta  Caafimaadka  ayaa  faahfaahin ka bixiyay u jeedada socdaalka ay ku soo mareen xarumaha Caafimaadka gobalka hawd.Waxaana uu yidhi”Waxa aanu u  nimid  kormeer  shaqo oo  la xidhiidha  shaqada Wasaarada Caafimaafka, in aanu  kormeerno adeegyada  Caafimaadka guud ahaan Caafimaadka gobolka hawd.aad ayuu u wanaagsan yahay hadday adeeg bixin noqoto iyo hadday dhisme noqoto shantii sanno ee ugu dambeeyay,”.

Agaasimaha guud ee  Wasaarada Horumarinta  Caafimaadka Maxamed Cabdi Xergeeye
ayaa waxa uu sheegay in ay u kuurgaleen hawlaha kala duwan ee Caafimaadka gobalka Hawd.Waxaana uu yidhi”U jeedadayadu waxa weeye in aan u kuurgalno hawlaha kala duwan ee Caafimaaad ee ka socda gobalka hawd,runtii baahidu madhamaato Gobalkani waxa ahaa gobalada ay ka shaqaynayeen hay,adaha ay wada shaqaynta leeyihiin Wasaarada Caafimaadka,imikana waxa uu ka mid yahay Gobalada ka faa,iidaysanaya mashruuca ay wado Wasaarada Caafimaadka ee damal Caafimaad,”.

Sidoo kale Maayarka Magaalada Baligubadle Shiine Cabdi Hayaan ayaa waxa tilmaamay in hirgalinta MCH Caafimaadka  Magaalada Baligubadle Wasaarada Caafimaadka ay qayb wayn ka qaadatay.Waxaana uu yidhi”Aad iyo aad ayaan idiiku mahadnaqayaa MCH Wasaarada Caafimaadka qayb wayn ayay ka qaadatay,markaa waa in gacmaha isqabsadaan dawlada iyo shacabka hadaanay gacmaha isqabsan waxba inoo hagaagi maayaan,”.