Imisa Koob oo Biyo ah Ayaad u Baahan Tahay Xilligan Kulaylaha

0
72

Xubinta labaad ee barnaamijka caafimaadka Wargeyska Dawan todobaadkan waxa aynu ku soo qaadanaynaa imisa koob oo biyo ah ayuu qofku u baahan yahay inuu cabo wakhtiga kulaylaha ah.

Sidoo kale xubinteena labaad waxa aynu ku faahfaahin doonaa biyaha uu cabayo qofku ma waxa ay ku xidhan yihiin isbadelka cimilada, mise waa isku mid oo waxa laga rabaa inuu qofku maalintii cabo xaddi go’an oo biyo ah, sidoo kale waxa aynu ku eggi doonaa calaamadaha lagu garto biyo yaraanta jidhka iyo waxa looga baahan yahay qofku inuu sameeyo.

Haddaba Xaddiga biyaha uu jidhku maalin kasta u baahanyahay, waxa ay ku kala duwan tahay xaaladaha qofka, tusaale ahaan dareeraha iyo cabitaannada kale ee uu cabbo, noocyada cunto ee uu cuno, iyo mararka qaarkood xaaladihiisa caafimaad iyo dawooyinka uu qaato, ama xarakaadka jidheed ee uu sameeyo.

Warbixin ay waaxda caafimaadka dadweynaha ee jaamacadda Harvard University Ku daabacday boggeeda internet ku, waxa ay sheegaysaa, qofka uu caafimaadkiisu fiican yahay haddii uu nin yahay, in uu maalintii u baahan yahay 15.5 koob oo biyo ah, gabadhuna ay u baahantahay qiyaas 11.5 koob. Waa marka aynnaan cabbin cabitaanno kale. Laakiin marka ay jiraan in aynnu cabitaanno kale cabno, sida shaaha, caanaha, sharaabka iwm ama aynnu cunno khudradda noocyadeeda, waxa ay khubaradu qiyaaseen in qofka ay Maalintii ku filnaan karaan 4 illaa 6 koob oo biyo saafiya ahi.

Si kastaba ha ahaato ee, qiyaasta biyaha aad u baahanaysaa waa ay kordhi karaan ama yaraan karaan, marka ay jiraan xaalado ay ka mid yihiin, kulaylka ama qabowga badan ee cimilada, jimicsiga iyo xarakaadka jidhka ee dhididka badan keena, xanuunnada qanjidhada dhuunta (Thyroids), xanuunnada kelyaha, beerka ama Wadnaha, iyo marka uu qofku isticmaalo dawooyinka jidhka biyaha ku celiya, sida dawooyinka caabuqa lagula dagaalamo, kuwa xaaladaha nafsiga ah loo isticmaalo qaarkood, iwm. Markan oo kale dhakhtarka ayaa ay tahay in lagala tashado xaddiga biyaha ay tahay in la cabbo maalintii.

Calaamadaha biyo yaraanta daran

Marka aad isku aragto xaraaradda jidhka oo kor u kacda, muruqyada oo aad ka dareento in ay guntamayaan/isku ururayaan, yalaalugo ama matag, awood la’aan iyo burbur badan, madax xanuun, dawakhaad, ama isku buug iyo jaahwareer nafsiya, talada ugu fiicani waa in aad dhaqso u joojiso haddii hawl adag aad haysay, jidhka aad maydhato, biyo iyo dareere badanna aad cabto. Sidoo kale waxaa fiican In aad fadhiisato meel jidhku uu hawo furan ka helayo.