Wasaaradda Caafimaadka JSL oo Agab Caafimaad la Wareegtay

0
72

Xubinta koowaad ee barnaamijka caafimaadka Wargeyska Dawan todobaadkan waxa aynu ku soo qaadanaynaa, wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland oo agab caafimaad kala wareegtay Hay’adda Alight, agabkan caafimaad ayaa loogu talogalay xarumaha Hooyada iyo dhalaanka ee gobolka Maroodi Jeex.

Haddaba munaasibada la wareegista Agabka Caafimaadka oo qayb ka ah Mashruuca Damal Caafimaad kaas oo loogu talo galay Xarumaha uu ka socdo mashruuca Damal Caafimaad.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland. DR.Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa maanta hay,adda Alight kala wareegay Agab Caafimaad oo qayb ka ah mashruuca Damal Caafimaad, kuwaas oo loogu talo galay xarumaha hooyadda iyo dhalaanka ee uu ka socdo mashruuca Damal Caafimaad.

Munaasibada agabkan lagula lagula wareegayey, ayaa waxaa goobjoog ahaa, Madaxa hay,adda Alight xafiiskeeda Somaliland, Maamulaha mashruuca Damal Caafimaad, Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Maroodi-Jeex, masuuliyiin ka socotay shirkadda qalabkan soo iibisay iyo marti kale.

Agabkan Caafimaad oo qayb ka ah mashruuca Damal Caafimaad ee maanta la wareejiyey ayaa waxa uu ka kooban yahay 30 nooc oo kala duwan, mid kastaana ka kooban yahay tirooyin badan, iyadoo loogu talogalay 49 xarumo caafimaad oo ku kala yaala guud ahaan gobolka Maroodijeex, iyagoo wax weyn ka tari doonaa, dadaalada loogu jiro haqab-tirka baahiyaha caafimaad ee xarumaha caafimaadka iyo cusbitaalada.

Masuuliyiintii kasoo qaybgashay munaasiadan oo madasha ka hadlay ayaa dhammaantood bogaadiyay sida habsamida leh ee uu u sodo mashruuca Damal Caafimaad, iyagoo hoosta ka xariiqay in ay tahay shaqo u bahaan in si wada jir ah looga shaqeeyo si bulshadeenu u hesho adeeg Caafimaad oo dhamaystiran.

Madaxa Xafiiska Somaliland ee Alight, Axmed Cabdi Wacays oo ku hadlayay Afka hay,adda Alight, oo fulinaysa Mashruuca Damal Caafimaad, ayaa sheegay in hay,adda Alight oo raacaysa heshiiskii ay la galeen Wasaaradda in ay si daahfuran u xayaysiiyeen soo iibinta qalabkan caafimaad ee maanta la wareejinayo, shirkadii heshayna ay keentay qalabkan, isagoo sidoo kalana xusay in mudadii koobnayd ee uu socday mashruucani uu si wanagsan u socdo ayna bilaabantay adeeg bixintii Caafimaad.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr.Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa dhankiisa bogaadiyay Hay,adda Alight sida wanaagsan ee ay u wado Mashruuca Damal Caafimaad, isagoo xusay in ay ka Wasaaradda ahaan kor joogtaynayan kolba sida ay shaqadu u socoto, Masuuliyadda Wasaaradduna tahay in ay hubiso tayadda agabka Caafimaadka ee la gaynayo xarumaha caafimaad in uu yahay kuwii ay u baahnayd.