Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo kulan la Qaatay Cuqaasha Beesha Ciidagale

0
112

Hargeysa (Dawan)      Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan la qaatay Cuqaasha,waxgaradka,aqoonayahanka iyo Ardaaga Ciidagale , kaas oo ay isku xog-waraysteen Madaxwaynaha iyo Cuqaashu.

Kulankan ayaa ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, waxaanay halkaasi Cuqaasha Ciidagale uga duceeyeen Madaxweynaha in ILLAAHAY ku asturo hawlaha shaqo ee uu Qaranka iyo bulshadaba u hayo.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, oo kulankaa lagu faahfaahiyay  oo soo gaadhay xafiiska warqabadka Wargayska Dawan ayaa  u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay kulan la qaatay cuqaasha Beesha Ciidagale.

Kulankaas oo saacado qaatay, iskuna Xog-waraysteen madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo cuqaashu.

Wuxuu ku soo dhamaaday isfahan iyo duco ay cuqaasha ugu duceeyeen madaxweynaha Qaranka”..