Somaliland waa Raas Keliya Kursigana qof ayaa doonaya ee Qabiil ma doonayo.”Guddoomiye Samaale

0
81

Hargeysa (Dawan):-Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee Xisbiga Kulmiye Cabdicasiis Maxamed Samaale,ayaa sheegay in Somaliland ay tahay raas keliya oo ul iyo diir ah isla markaana aanu jirin qabiil kursi doonaya ama ku fadhiisanaya balse kursiga qof  uu u tartamayo kuna guulaysanayo .

 

Waxaanu gudoomiye Samaale wax  laga xumaado ku tiilaamay in rag  dalka xilal ka soo qabtay  oo imikana xilal sare u tartamaya oo ku jira ururada siyaasada iyo xisbiyada mucaaridu in ay dadka kala qaybiyaan oo ay bulshada naxli kala dhex dhigaan.

 

Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee Kulmiye oo  Arimahaa ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Waxa aad ogtihiin  dadka Ururada ka madaxda  ah iyo Axsaabta oo ay  ka soo yeedhayaan,hadallo  naxli  iyo isku dir iyo kala qoqob ah waa wax laga xumaado dad dalka xilal ka soo qabtay. imikana xilal ka sii waawayn doonaya.inay naxli iyo xumaan dadka  kala dhex dhigaan Somaliland waa raas kaliya kursiga qof ayaa doonaya ee qabiil ma doonayo maxaa keenaya in qabiil la caayo.qofkaasi waxa uu ku olaleeyo ayuu leeyahay.waxa aan maqlayay nin ka hadlaya huteelada Somaliland huteelada noocaasa  waxaas ayaa ka dhacay,qof masuula marka uu sidaa u hadlo maxaad dareemaysaa.waana ceeb hadalada dagaalka iyo naxliga huwan dadka Somaliland  dad sidaa codka ku bixinaya maaha,digdig iyo xumaana waxba laguma  qaadayo ee codka dadka ayaa wax lagu yahay,”.