Wasiirka Caafimaadka oo Hadhimo Sharafeed ku Maamuusay Qurbejoogta xisbiga KULMIYE

0
59

Hargeysa(Dawan)-Wasiirka horumarinta caadimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, ayaa shalay hadhim-sharafeed ku maamuusay qurbejoogta xisbiga KULMIYE taageerta ee dalka kusoo  noqotay.

Munaasibadda hadhimada ah waxa ka qaybgalay guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, xubno kamid golaha wasiirrada, madax ka socotay hay’adaha madaxa bannaan ee dawladda, hoggaanka garabka haweenka heer qaran ee xisbiga iyo qurbejoog tiro badan.

xubno kamid ah golaha wasiirrada oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey qurbejoogta, waxana ay ku sifeeyey rukun weyn oo xisbiga KULMIYE ku tashado.

Qaar kamid ah qurbejoogta KULMIYE oo halkaas ka hadlay, ayaa ka mahadceliyey hadhimada lagu maamuusay, waxana ay xuseen inay sii wadayaan taageeradooda xisbiga KULMIYE.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa dhankiisa bogaadiyey qurbejoogga xisbiga ee munaasibadda lagu marti-qaaday, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay kamid yihiin dhidibada waaweyn ee xisbigu ku tashado.