Xukuumadda oo Digniin u Adag Dirtay Dadka Ajaanibka ah ee siyaasadda ku Milmey

0
88

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha  hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka Somaliland Mudane Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinnif), ayaa shir guddoomiyey kulan ay ka soo qayb galeen agaasime waaxeedyada kala duwan ee hay’adda iyo guddida go’aan ka gaadhista qaxoontiga.

Kulankan ayaa intii uu socday waxa lagaga wada hadlay arrimaha qaxoontiga iyo  in aanay ka qayb gelin arimaha siyaasadda, iyada oo uu dastuurku JSL iyo Xeerka Qaxoontigu uu ka reebay inay ka qayb qaataan arrimaha siyaasdda, iyaga oo xuquuqaha kale kala siman yihiin  dhamaan Muwaadiniinta JSL.

Agaasime ku xigeenka waaxda Qaxoontiga ee hay’adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka ayaa sheegay in kulankan lagu gorfeeyay danbiyada ay galaan dadka ajaanibta ah ee dalka ku sugan, sida mukhaadaraadka, danbiyada cul culus, danbiyada ka soo horjeeda midnimada iyo Qarannimada Somaliland, iyo dhammaan danbiyada ay galaan dadka qaxoontiga, waxaanu xusay in dhammaan xeerarka iyo dastuurka dalkuba ka reebay.

Geesta kale waxa uu tilmaamay in lagaga wada hadlay ka qayb galka arrimaha siyaasada ee ay ka qaybgalaan iyada oo Dastuurka dalku ka reebay, waxaanu xusay in aanu ka qayb gali karin arrimaha siyaasiga ah ee dalka, waxaanu intaas ku daray in qodobka 8-aad oo ka hadlaya sinaanta muwaadiniinta in farqadiisa 3-aad dadka ajaanibta ah ee dalka ku sugan isla markaana ku jooga sifada sharciga ah in uu siiyay dhammaan xuquuqaha qofka muwaadinka ah marka laga reebo mida siyaasiga ah.