Madaxweynaha Turkiga Racep Tayyip Erdogan ayaa hadal uu jeediyey Axaddii waxaa qaybo ka mid ah uu ku yidhi “Turkigu wuu gali karaa Israa’iil, sidii uu horeba ugu galay Liibya iyo Karabakh”. Hadalkaas wuxuu xiisad ka dhex abuuray Israa’iil, wuxuuna dhaliyey dagaal afka ah oo barta X ku dhex mara saraakiisha dalalkaas.
Markii uu madaxweynaha Turkiga hanjabaadda u jeediyey Israa’iil, isaga oo aan cayimin nooca faragelinta ee uu ka hadlayo, ayaa wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Esrael Katz wuxuu jawaab soo dhigay barta X, taasoo uu ku yidhi “Erdogan wuxuu ku socdaa raadkii Saddaam Xuseen, wuxuuna weerar ugu hanjabayaa Israa’iil. Ha xusuusnaado wixii halkaa ka dhacay iyo sidii ay ku soo dhamaatay” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Katz.
Wuxuu qoraalkiisa ku lifaaqay masawirka Erdogan oo uu ku dhinac qabtay sawirkii Saddaam Xuseen in yar ka dib xilligii la soo qabtay ee sagaashameeyadii.
Erdogan wuxu hadalka xiisadda dhaliyey ka jeediyey kulan uu xisbul xaakimka cadaaladda iyo horumarinta ku yeeshay magaalada uu ka soo jeedo ee Rize, wuxuuna yidhi “ waa in aad ad-adkaannaa si aanay Israa’iil waxyaabahaas laga yaqyaqsoodo ugu samayn Falastiin”.
Jawaabaha Israa’iil kuma eka qoraalka wasiirka Arrimaha dibadda. Hogaamiyaha mucaaradka Israa’iil Yair Lapid wuxuu isna barta X ku qoray “Israa’iil ma ogolaan doonto hanjabaad ka timaada kali taliye iyo dunida, gaar ahaan xubnaha NATO waa inay cambaareeyaan hanjabaadda uu Israa’iil u jeediyey, isla markaan ay ku khasbaan inuu joojiyo taageerada uu siiyo Xamaas.
Qoraallada madaxda Israa’iil waxay keeneen in Turkigu uu isna jawaabo, iyada oo wasiirka arrimaha dibadda uu ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu la mid dhigay “hogaamiyihii Naaziga Adolf Hitler”.
Wakaaladda wararka ee Anadolu oo soo xiganaysay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa qortay “wax kasta oo xasuuqii Hitler uu ku dambeeyeyba, xasuuqa Netanyahuna sidaa ayuu ku dambaynayaa. Bani’aadminimada ayaa Falastiiniyiinta u istaagi doonta”.
“Marnaba kuuma suurto gali doonto in aad suuliso” ayey ku sii dartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga, iyada oo ula jeedda Falastiiniyiinta. Wuxuu intaa ku sii daray “sidii naasiyiintaba loogula xisaabtamay dambiyadii waxshinimada ahaa ee ay gaysteen ayaa loola xisaabtami doonaa kuwa doonaya inay suuliyaan Falastiiniyiinta” ayaa laagu yidhi qoraalka wasaaradda.
Xurgufta ayaa gaadhay meelo ka baxsan Israa’iil iyo Turkiga. Ra’iisul wasaaraha Netherlands Geert Wilders oo ah siyaasi garabka midigta fog jira, laguna yaqaano mowqifka u ka taagan yahay muslimiinta iyo dadka muhaajiriinta ah ayaa isna ku baaqay in “Turkiga laga eryo NATO sababo la xidhiidha hadallada Erdogan”.
Wuxuu barta X ku qoray “Fashiistaha islaamiga ah ee Erdogan wuxuu ku hanjabay inuu ku duuli doono Israa’iil, ninkani gabi ahaanba waa uu waalan yahay. Turkiga waa in laga saaro NATO”.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Hakan Fidan wuxu ku tilmaamay madaxweyne racep Tayyip Erdogan inuu yahay “codka qiyamka bani aadamka” Israa’iil iyo sahyuuniyadana ay ku jiraan xaalad cabsi ah.
Fidan wuxuu ku sheegay barta X “ Madaxweynaheenna (Erdogan) wuxuu noqday codka qiyamka bani’aadamka, kuwa doonaya inay aamusiyaan codka runta ee ay hogaaminayaan mareegaha Israa’iil iyo sahyuuniyadda waxay ku nool yihiin xaalad yaab leh. Welwel”.
Wuxuu intaa ku daray Fidan in taariikhda ay muujinayso in “cawaaqibka uu noqon doono mid ay u sinaadaan kuwa dhibka gaystay iyo taageerayaasha xasuuqa”.
Tan iyo markii iska hor imaadku uu billowday 7dii Oktoobar, Turkigu wuxuu go’aansaday inuu isticmaalo luqad dhexdhexaadnimo, isagoo aan dhinacna farta ku fiiqin.
Laakin luqadda Turkigu waxay isku beddeshay mid adag, ka dib markii la weeraray isbitaal ku yaalla Qasa bartamihii Oktoobar, halkaasoo ku dhawaad 500 oo qof lagu dilay.
Madaxweynaha Turkiga wuxuu wakhtigaas yidhi “duqaymaha Israa’iil waa jawaab cadaalad darro ah, waxayna noqonayaan layn”. Wuxu Israa’iil ugu baaqay inay joojiso weerarka ay ku hayso Qasa, kaasoo uu ku tilmaamay xasuuq.