Guddida Waxbarashada Qaranka oo ka Shiray Tayaynta Waxbarashada iyo Dib-u-eegista Manhajka Dalka

0
90

Hargaysa (Dawan) Guddida waxbarashada Qaranka ayaa kulan ka yeeeshay sidii loo tayayn lahaa waxbarashada iyo in dib u eegis lagu sameeyo Manhaja dalka.

 

Kulnakaas oo ay isugu yimaadeen guddidu ayaa diirada lagu saaray kor-u-qaadista tayada waxbarasho ee Somaliland iyo sidii wax la isaga waydiin lahaa qaababka ugu haboon ee loo tayayn karo waxbarashada Somaliland.

 

Waxaa kulan wada-Jira yeeshay madaxda sare ee wasaaradda waxbarashada, guddida waxbarashada Qaranka iyo masuuliyiinta xafiiska Imtixanaadka Qaranka.

 

Kulankan oo ahaa kulankii 30aad ee guddida waxbarashada Qaranku yeeshaan, ayaa laga dooday dhowr ajande oo khuseeya kor u qaadida tayada waxbarashada guud ahaan.

 

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Dr. Axmed Adan Buuxane ayaa u mahad celiyey guddida waxbarashada Qaranka iyo masuuliyiinta Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka hawsha qaranka ay u hayaan. Intaa kadib, wasiirka ayaa shirka si rasmi ah u furay.

 

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka ayaa warbixin kooban oo ku saabsan qaabkii uu u qabsoomay imtixanaadkii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee sannad dugsiyeedkii 2023/2024, la wadaagay Madaxda Sare ee Wasaaradda Waxbarashada, iyo Guddida Waxbarashada Qaranka.

 

Intii kulanku socday waxaa laysku waafaqay in ay muhiim tahay tayaynta waxbarashada dalka guud ahaan iyo dibu-eegista manhajka dalka, sidoo kale in xafiiska imtixaanaadka qaranku soo diyaariyo warbixin dhamaystiran oo ku saabsaan imtixaankii shahaadiga ahaa 2023/2024