Hooyooyinka Maydhista Dharka iyo Nadiifinta Guryaha nolosha Qoysaskooda ka Mareeya oo xaaladooda ka Dayriyay.

0
60

Qore Khadar  M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Dayrka Xaawaadle iyo guryaha ku teedsan ayay soo gaadhaan lixda subaxnnimo, iyaga oo ka soo jarmaaday qoysaskoodii, waxa ay salka la helaan dhagax ay karaatoon dusha ka saareen, si ay halkaasi ugu sugaan xoogsi aanay ogeyn inay helayaan iyo in kale, shaqadooda ugu badani waa dhar maydh iyo masaxaada guryaha, waxay isugu jiraan hooyooyin da’a, hablo yaryar iyo haween mudakara.

Waxa ay bidhaansadaan gaadiidka kala duwan ee halkaasi maraya, kaas oo marka u uku soo dhawaado ay fadhiga ka kacaan oo daaqadaha qabsadaan iyaga oo su’aalaya ma shaqa ma dhar maydhba.

Hooyooyinkan ayaa sheegay in duruufaha nololeed iyo xaaladaha adage e awlaadoodu ay ka soo kalihiyeen guryahoodi, balse nasiibdarro iyaga oo sidii u fara madhan ay dib ugu laabtaan, sidoo kale waxa ay xuseen in wakhtiyada qaar saddex bilood aanay qaban wax shaqo ah, balse iyaga oo qaba kalsoonida ILLAAHEY ee bixinta risiqa ay fadhiga u xejiyaan.

Hooyooyinkan muwaadiniinta ah ee ku dadaalay fadhiga gidaarada Xawaadle, ayaa Maayerka iyo dowladda dhexe ka codsaday in shaqo loo abuuro, si ay uga raystaan dabaysha, roobka iyo cadceeda halkaasi ku haysata nolosha qoysaskoodana maare ugu helaan.

Mid ka mid ah hooyooyinka fadhiista Gidaarka garoonka Xawaadle, ayaa sheegtay in ay la darisyihiin kuleylka, qabowga iyo dhibica roobka, waxaaney fariin cod dheera maayerka caasimada kaga codsatay in uu shaqo abuur u sameeyo iyada iyo hooyooyinka kale ee maydhista dharka ku masruufa nolosha qoysaskooda.

Waxaaney tidhi. “Waxa igu maqaalo ah in maayer aad ku maqan tahay Xashka, in ILLAAHEY acmaasha Xajka ka aqbalo waxaanu ka codsaneyna in aad shaqo abuur noo sameyso, oo aad nagu darto haweenka nadiifisooyinka.

Gidaarka garoonka Xawaadle, ayaanu fadhiisana haddii roob soo daato majirto meel aanu kagala, waxa anau guryaha ku noqona anaga oo dhibici roobka, siigadii iyo cadceediiba ay nagu dulqaadeen, marka waxaa aanu maayerka caasimada ka codsaneyna in uu hoos noo eego oo na shaqaaleysiiyo, oo kol uu dariiqyada xaadha na yidhaahdo shaqa uun noo abuuro.”

Hooyo sida ay noo sheegtay da’da 50 sano jirka madaxa la gashay, waxa ay xustay in 12 sano u danbeeyay ay Gidaarkan cidlada ah ugu soo kalahaysay si ay u hesho shaqo aan helitaankeeda kalsooni badan lagu qabin, waxaaney dowladda dhexe iyo dowladda hoose ka codsatay in hoos loo eego shaqo abuurna loo sameeyo.

Waxaaney tidhi.“Halkan lixda subaxnimo ayaan imaada, waxaan u soo kalaha in aan helo shaqo aan nolosha qoyskeyga ku maareeyo haddii dhar la maydho ay tahay iyo haddii guri la soo masaxo tahayba, doorkayaga u weyni waa shaqo, shaqadiina lama hayo, lixda subaxnimo ayaan imaada lixda galabnimo ayaan ka hoydaa, wax aanu halkan ku hayno oo naftayada ku dabarna majirto, marka waxa aanu dowladda dhexe iyo ta hooseba ka codsanayna inay shaqo abuur noo sameeyaan.

Haddii laba cisho aanu shaqayno nolosha waxuunbay ka tari, balse mararka qaar ayaan muddo bil ah aanan helin wax shaqo ah, sababto ah waxa shaqadii aanu qabanay naga qaaday dad Itoobiyana oo aan dalka u dhalan, haweenka halkan ka hawlgala tiradoodu kama yara ilaa 500, marka anigu 12 sano ayaan shaqadan maydhista dharka ka masruufayay qoyskayga, halka haweenka qaarna ay 20 sano joogaan, qaarkoodna 5 sano joogaan, marka waxaanu dowladda Somaliland ka codsanayna inay shaqo abuur noo sameeyaan”

Sidoo kale mid ka mid ah hooyooyinka nadiifinta guryaha iyo dharka noloshooda ku maareeya ka mid ah ayaa sheegtay in 10 bilood lagu leeyahay kiradii guriga ay gasho, la xidhay imikana ay damiin ku joogto, waxa ay xukuumadda ka codsatay inay shaqo abuur ama maalgelin ay u sameeyaan.

Waxaaney tidhi. “10 bilood ayaa kiradii guriga la igu leeyahay, oo inta halkan askarigu iga kaxeeyay saldhiga Daloodho igu xidhay, 3 cisho ayaan xidhna, markii danbena dadkii jaarka ayaa isoo damiintay, dhibkaasi ayaa na haysta, gaaja noo dheer, haraadba noo dheer, halkaasi ayaa nalagu sii dhaafa nalagu soo dhaafa, marka waxaanu dowladda Somaliland ka codsaneyna inay shaqo abuur aanu noloshan kadeedka, silica iyo darxumada badan aanu kaga baxno ha sameyso, mararka qaar jidkii aan xaafada u marayay ayaan ka luma, qof gaajoonaya, oo wuxu gurigii kula noqda aanay jirin dhab ahaantii waad dareemi karta noloshiisu nooca ay noqonayso”.

“Garoonka Xawaadle dayrkiisa ayaanu soo fadhiisana anaga oo shaqo raadis ah, lix ilaa lix ayaanu fadhina, waxba kama helo, dabayl, gaajo iyo leeleel ayaa halkan nagu hesha, dalku waa busaarad markii hore waxbaan ka heli jirnay balse imika waxba kama helo, dowladda sharafta leh iyo maayerka sharafta leh waxaanu ka codsaneyna inay shaqo abuur noo sameeyaan, oo dabaysha iyo haraadkaasi iskaga hoyano, anigu 7 sano ayaan halkan fadhiyay, markii hore nolol maalmeedka waanu ka heli jirnay balse imika waxba kama helo, marka waxaanu codsaneyna in Kaalmo nala siiyo ama shaqo abuur naloo sameeyo”Ayay tidhi mid ka mid ah haweenka fadhiista Gidaarka Xawaadle.

Geesta kale mid ka mid ah haweenkii warbaahinta la hadlay ayaa sheegtay in waxa walwalka ugu weyn ku haya uu yahay in gabadhii ay dhashay oo fasalka afraad ee dugsiga sare ah, ay ka cabsi qabto in dhaqaale la’aan ay uga hadho geedigeedii waxbarasho.

Waxaaney tidhi. “Inanyarba dugsiga sare igu jirta, dhaqaale iyo dirays midna uma hayo, guriga aanu ku jirnaana waa kiro, suuligii ayaa xata naga dumaya, laba caruurtayda ka mid ahi dhaqaale la’aan ayay waxbarashada uga hadheen, iyaduna dugsiga sare fasalka afraad ayay ku jirta, intii hore waan silci jiray, balse imika inay duruufaha dhaqaale la’aaneed ay uga hadho ayaan ka baqaya”.