Waa kuma hoggaamiyaha sare ee Xisbullah ee ay Israa’iil sheegtay in ay ku dishay Dalka Lubnaan

0
73

Iyadoo ciidamada Israa’iil ay shaaciyeen in ay dileen hoggaamiyihii Xisbullah Fu’aad Shukri duqeyntii lala beegsaday duleedka koonfureed ee Beirut fiidnimadii Talaadada, ayaa ilo wareedyo ku dhow Xisbullah waxay u sheegeen wakaaladda wararka Faransiiska in hoggaamiyihii caanka ahaa ee militariga xisbiga Fu’aad Shukr uu ka badbaaday weerarka.

Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in ay si sax ah ugu weerareen xaafadda koonfureed ee Beirut taliyihii mas’uulka ka ahaa dilka carruurta ee Majdal Shams, kuna dilay Israa’iiliyiin badan.

Axios oo soo xiganaya sarkaal Israa’iili ah ayaa sheegay in bartilmaameedka Beirut uu ahaa Fu’aad Shukr, kaas oo mas’uul ka ah dhammaan howlgallada militari ee Xisbullah.

Waa kuma Fu’aad Shukr?

Fu’aad Shukr waxa uu ku dhashay 1962-dii magaalada Nabi Sheet, ee Baalbek, waxaana lagu naaneesaa “Hajj Mohsen”.

Fu’aad Shukr ayaa in ka badan 30 sano u shaqeynayay Xisbullah, lamana oga howlaha loo igmaday.

Waxaa jira xog tilmaamaysa in Shukr uu yahay taliyihii ugu horreeyay ee militariga xisbiga ee koonfurta Lubnaan.

Mid kale ayaa u arka Fu’aad Shukr inuu ahaa mid ka mid ah la-taliyayaasha sare ee Xoghayaha Guud ee Xisbullah Xasan Nasrallah, wuxuuna sidoo kale aad ugu dhawaa hoggaamiyihii hore ee Xisbullah Imad Mughniyeh.

Warar hoose oo soo baxay ayaa sheegaya in Shukr uu bedelay Mustafa Badreddine, oo ahaa taliyihii militariga Xisbullah oo lagu dilay xaalado qarsoodi ah gudaha Suuriya sanadkii 2016-kii.

Sida laga soo xigtay mareegta Times of Israel, ciidamada Israa’iil waxay sheegeen sanado ka hor in Shukr “uu kormeero mashruuca gantaallada saxda ah ee Xisbullah.” Warbaahinta Israel ayaa tilmaamaysa inuu yahay “Ninka labaad ee Xisbullah ugu saameynta badan”.

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa sheegtay in Shukr “uu u adeego ururka ugu sarreeya ee Xisbullah ee Golaha Jihaadka, wuxuuna ka caawiyay dagaalyahannada Xisbullah iyo millatariga Suuriya ololaha millateri ee Xisbullah ee ka dhanka ah xoogagga mucaaradka Suuriya ee isla dalkaasi.

Mareykanka ayaa sheegay in uu door muhiim ah ka qaatay weerarkii lagu qaaday ciidamada Marines-ka Mareykanka sanadkii 1983-kii ee ka dhacay Beirut, kaasoo lagu dilay 241 askari oo Mareykan ah, laguna dhaawacay 128 kale.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Mike Pence ayaa ku tilmaamay in uu ka mid ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarka.

“Malaayiin doollar wixii macluumaad ah”

Sannadkii 2017-kii, Maraykanku wuxuu abaal-marin lacageed oo dhan 5-milyan oo doollar u ballan qaaday ciddii keenta xog lagu soo xidho hoggaamiyaha sare Fu’aad Shukr, iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanku ay xilligaas sheegtay in abaal-marintu ay tahay “tallaabo kale oo lagu kordhinayo cadaadiska Xisbullah iyo madaxdeeda.”

Sannadkii 2015-kii, Qasnadda Maraykanku waxay Shukr ugu magacawday “argagixiso gaar ah” sida uu dhigayo Amarka Fulinta ee 13582 ee u shaqaynta ama magaca Xisbullah.

Waxa kale oo ay Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ku magacawday 2019-kii inuu yahay “argagixiso caalami ah oo si gaar ah loogu asteeyey” iyadoo la raacayo Amarka Fulinta ee 13224.

Ku magacaabistaas darteed, Fu’aad Shukr magaciisa waxaa lagu daray liiska cunaqabateynta Mareykanka, taasoo ka dhigan in la xannibay dhammaan hantidiisa iyo danaha hantidiisa ee ku xidhan xukunka Mareykanka, iyadoo ay sii dheer tahay in guud ahaan uu mamnuucayo dadka Mareykanka ah inay wax ganacsi ah la sameeyaan.

Waxaa xusid mudan in ciidamada Israa’iil ay sidoo kale u qoondeeyeen abaalmarin dhan 5 milyan oo doolar qofkii keena xog isaga ku saabsan, sida ay sheegeen warbaahinta Israa’iil.