Wariyeyaasha Gobolka Awdal oo Tababar Loo Soo Xidhay

0
86

Hargeysa (Dawan) Isuduwaha Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo  Wacyigalinta ee Gobolka Awdal Sadaam Maxamed Caqli ayaa shalay tababar u soo  xidhay 15 suxufi oo ka hawlgala warbaahinta kala duwan ee gobolka Awdal.

Tababarkan oo socday mudo sedex todobaad ah ayaa waxa bixinayay khubaro ka socotay hayada Media ink, waxana lagu baranayay mawduucyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin anshaxa saxaafada, maaraynta masiibooyinka, tabinta wararka degdega ah ee dhinaca isbedelka cimilada iyo mawduucyo kale.

Iskuduwe Sadaam Maxamed Caqli ayaa tababarkan ku tilmaamay mid ku soo beegmay waqti loo baahnaa isla markaana wax wayn ka taraya kor-u-qaadista tayada suxufiga iyo hufnaanta xogta ay tabinayaan, waxana sidoo kale uu u mahadnaqay Hayada Media ink ee tababarkan maalgalisay iyo khubaradii tababarka bixinaysay,

Isaga oo hadalka sii wata ayaa Iskuduwe Sadaam Maxamed Caqli waxa uu xusay in tababarada noocan oo kale ah iyo tayaynta suxufiga & saxaafadu ay qayb ka yihiin siyaadaha qorshaysan ee uu Wasaarada Warfaafinta Somaliland ku hagayo wasiir Cali Maxamed Xasan “Cali Mareexaan”, waxana sidoo  kale uu kula dardaarmay suxufiyiintii ka faa’iidaystay tababrka in cilmiga ay barteen ay uga faaiideeyaan hayadaha warbaahinta ee ay ka hawgalaann iyo guud ahaan bulshada ay u adeegaan.