Xafiiska Xeer Illaalinta Guud oo Soo Saaray Qoraal ay ku Burinayaan Go,aankii Laalista Dacwadda ee Guddida Joogtada ah ee Wakiillada

0
87

Hargaysa (Dawan) Xafiiska xeer illaalibta guud ee Qaranka Somaliland ayaa soo saaray qoraal ay ku burinayaan sharcinimada go,aanka guddida joogtada ah ee golaha wakiilladu ay ku laaleen maamuus ka xayuubintii xildhibaan Maxamed Abiib ee ay xeer illaalintu u gudbisay golaha wakiiladda Somaliland.

 

War qoraal ah oo uu soo saaray xafiiska xeer illaalinta guud ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu sheegay in aanay guddida joogatada golaha wakiilladu awood u lahayn soo saarista go,aanada gole waynaha, sidoo kalena waxa  qoraalka lagu sheegay in guddida joogtada golaha wakiilladu qaateen doorkii Maxkamada oo ay ka go,aan gaadheen in aan xeer ilaalintu hayn wax cadayn ah.

 

Geesta kale xafiiska xeer illaalinta ayaa sheegay in dacwada xildhibaanku ay ku socotay kaliya shir-gudoonka golaha wakiillada balse aanay jirin meel ay kula kulmeen guddida joogtada ah, waxaanay soo jeediyeen in loo hiiliyo jiritaanka Qarnimada Somaliland, cid casta oo fal ku kacdana sharciga la mariyo.

 

Qoraalka ka soo baxay xafiiska xeer illaalinta guud ee Jamhuuriyadda Somaliland oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska warqabadka Wargeyska Dawan ayaa waxa uu u dhignaa sida tan:-

 

 

“WAR-SAXAAFADEED”

 

“Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu soo jeedinta maamuus-ka-xayuubinta Xildhibaan Maxamed Abiib u gudbiyey golaha wakiillada 14/07/2024, kaas oo lagu dacwaynayo inuu ku kacay;

Dambiyo liddi ku ah qarannimada iyo jiritaanka Somaliland; isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay in la soo jabiyo ciidammada Qaranka JSL.

 

Dambiga ka hor-imaansho danahada qaranka, isagoo u adeegaya waddamo shisheeye; wuxuu ka horyimid heshiiska is-afgarad ee dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia, arrinkaasna uu kala socda waddamo ka soo horjeeda danaha Somaliland iyo horimarkiisa.

 

Haddaba, qoraalkaas waxa ka soo noqday arrimo dhowr ah; waxa golaha wakiilladu u yeesheen kulan aan caadi ahayn 27/07/2024, kulankaas oo guddida joogtada ah ka hor akhriyeen go’aan ah inaan la aqbalin maamuus-ka-xayuubinta Xeer-ilaalinta oo aanay jirin caddayn ay hayso.

 

Xafiiska Xeer-ilaalinta guud oo daba jooga qoraalkaas waxa uu soo saaray warqadda ku taariikhaysan 28/08/2024, kaas oo uu ku burinayo sharcinimada go’aanka guddida joogtada ah, waxayna ku sheegeen in guddida joogtada ah aanay awood u lahayn soo saarista go’aannada gole-weynaha, sidoo kalena ay qaateen doorkii Maxkamadda oo ay ka go’aan gaadheen in aanay Xeer-ilaalintu hayn wax caddayn ah.

 

Habraaca uu raaco Golaha Wakiilladu ee la xidhiidha maamuus-ka-xayuubinta xildhibaan waa labadan nooc:

Mar uu u jiro kalfadhi: haddii Xildhibaan la soo dalbado in maamuuska laga xayuubiyo ama haddii xildhibaaan la soo xidho isagoo dambi faraha kula jira waa in laga soo codsadaa oggolaanshaha maamuus-ka-xayuubinta Golaha. Golahuna waxa uu ku oggolaan karaa maamuus-ka-xayuubintaas 2/3. Waxana dhigaya Qodobka 49, farqaddiisa 3, 4 iyo 5aad iyo Qodobka 79 ee Dastuurka JSL.

Marka Goluhu aannu fadhiyin: haddii xildhibaan la soo xidho, waxa waajib ah in oggolaanshaha tallaabada laga qaadayo

Xubinta laga helo guddida joogtada ah ee golaha wakiillada; Golahana waxa la soo hordhigayaa kal-fadhiga xiga sida uu dhigayo Qodobka 49aad, farqaddiisa 6aad.

Haddaba, waxa muuqata in Golaha Wakiilladu aanu raacin labadaa habraac midna, sababtoo ah:

Guddida Joogtada ah waxa ay shaqeysaa oo keliya marka Goluhu fasax ku maqan yahay, markaas ayey Guddida Joogtada ah leedahay go’aanka diidmada iyo yeelista. Balse haddii Goluhu fadhiisto guddida doorkeedii ma jirayo.

 

Hadda Golihii ayaa u fadhiistay arrinta maamuus-ka-xayuubinta, markaa doorkii guddidu meesha wuu ka baxayaa.

 

Guddida joogtada ah waxa kale oo doorka oggolaanshaha iyo diidmada maamuus-ka-xayuubinta ay leedahay marka xildhibaanka la xidho, taasina ma jirto hadda.

 

Waxa kale oo nasiib-darro ah in Guddida Joogtada ah ay qaadatay doorkii Maxkamadda ee qiimaynta caddaymaha loo hayo dembiyada lagu dacwaynayo xildhibaanka, iyagoo ka horyimid qodobka 79 ee Dastuurka JSL.

 

Haddaba, waxaa habboon in la illaaliyo Dastuurka iyo Xeerarka dalka, loona raaco sida ay dhigayaan.

 

Sidaa darteed, waxaan soo jeedinaynaa in loo hiiliyo jiritaanka iyo qarannimada Somaliland, cid kasta oo ku kacda fal ka soo horjeedana sharciga la mariyo (no one above the law).

Waxa xusid mudan, in qoraalka maamuus-ka-xayuubintu si toos ah ugu socday Golaha Wakiillada, isla markaana aanay jirin meel ay Xeer-ilaalintu kula xidhiidhay guddida joogtada ah iyo kulan ay la qaadatay toona.

 

Masuuliyadda dembi waxay ku kooban tahay kaliya kolba cidda sameysa”.