Bulshada Guryaha Sabaynaya Ku Nool!

0
53

Bulsho ku dhaqan wadanka Shiinaha oo lagu magacaabo The Tang Peaple ama dadka Doonyaha ayaa diiday inay ka baxaan noloshooda qadiimiga ee ay la qabsadeen.ย  Bulshadan ayaa ku nool guryo ay badda dusheeda ka dhistaan waxaana ay ka soo horjeedaan inay ku noolaadaan beriga iyo nolosha casriga ah.

 

Waa bulsho kaluumaysato ah oo tiradooda lagu qiyaasay 8 kun oo qof , waxaana ay deggan yihiin magaalada Nige oo ku taalla gobolka Fijian oo ah koonfurta bari ee China.ย  Bulshadan aya la sheegay inay ka soo jeedaan bulshadii Tang Dynastyoo oo deegaankan ku noolayday 7 Qarni ka hor, kuwaasi oo ku noola dhul xeebeedka ay degan yihiin. Tangย  ayaa la sheegay inay badda dusheeda wakhtigaasi degeen iyagoo ka cararay dagaaladii joogtada ahaa ee dhul ballaadhsigu hagayay.

 

Ka hor intii aanay dhalan Jamhuuriyada Shiinaha hogaanka bulshadan uma ogolyn inay u soo degaan dhulka ama ay guursadaan dadka kale ee ku nool dhulka berriga.

Dhamaan qaybaha noloshoodaย  sida guurka ilaa aaska qofka dhintaย  waxay ahaayeen mid badda guudkeeda ay ku dhameystaan.

Wakhtiyadan danbe iyadoo dawladdu kaalmooyin siisay waxay bilaabeen inay dhulka beriga usoo degaan, inkasta oo weli qaybo badan oo bulshadan ka mid ah aanay aaminsanayn in berrigu wanaagsan yahay.ย  Magaalada Badda dusheeda ku taalla eeย  dadkani degen yihiin waxa ka dhex sheqeeya gadiid badeed , isaga dhex goosha sida magaalooyinka kale ee bariga.ย  Waxayna leedahay wadooyin, iyadoo wakhtiyadan danbe dawladdu maal gelin ku samaysay si dadkan loo hor mariyo.