Islaamka Iyo Xaquuqda Dumarka

0
71


Saxaabiga Abuu Hurayrah (Rc) wuxuu yidhi: Rasuulka Allah (scw) wuxuu yidhi: ” Yaanu ninka muslimka ahi wax cadho iyo naceyb ah u qaadin gabadha muslinka ah (xaaskiisa). Arrin ayuu ku dhibsan  karaa, waxaase laga yaabaa inuu mid kale oo wanaagsana (ka helo) oo uu raalli kaga noqdo”. Werin (Muslim).

Mucaawiyah Ibna Xaydah (Rc) wuxuu yidhi: Waxaan ka codsaday Rasuulkii Allah (Scw) inuu ii sheego waxa ay gabadhu ninkeeda xaq ugu leedahay? Wuxuu yidhi: “Quudi sidaada oo kale, markaad  naftaada quudisidba. Arrad beelna sii sidaada oo kale ah markaad arrad baxdoba; wejigana ha ka garaacin; ha af lagaadeyn, markii aad u cadhooto oo aad doonayso inaad ka fogaato, guriga ha ka tegina, meel kale oo ka mid ah guriga seexo. “.    Werin (Abuu Daawuud)