Dhamaystirka Dayaxa Iyo Dabaal Degga!

0
75

Badmareenkii Christopher Colombes markii uu gaadhay America oo ay deganaayeen bulshada badowda ah ee Hindida Cas-cas, waxa uu sheegay haddii aanay martiqaadin oo aanay siin waxay u baahan yihiin in awoodiisa uu Dayaxa Kaga qarin doono oo aanay weligoodna arki doonin.

Arinkaasi may rumaysan Hindidu, waxaana Kolombos la socday koox xidigis ah oo saadaliyay Dayax madoobaad dhacayay Habeenkaasi.

Markii habeenkii uu Dayaxu madoobaaday , hogaamadii Hindida Masaakiinta ah waxay u yimaadeen badmareenka iyagoo ka codsaday inuu u soo celiyo Dayaxa iyaguna ay fulin doonaan wixii uu isago doonayo. Markii habeenimadii danbe uu Dayaxu sidiisa ku soo noqday waxay fuliyeen dhamaan qodobadkii uu ka codsaday inay fuliyaan.

Dhacdadaasi waxay Hindida cascasi ka faaโ€™iiday caadada ay habeenka dayaxu dhamaystiran yihiin u dabaal degaan, waxase ay waayeen Qaarad dhan iyo dhul weyn oo hanta u ahaa.

Caalamkii iyo Faylasuufkii Islaamka ah ee Ibnu Rushdi (Abu Axmed Binu Maxamed) oo qarnigii 11aad caan ah waxa uu yidhi xikmadan raagtay :ย  โ€œ Ganacsiga diinta ee Bulshada aan aqoonta lahayn waa uu macaash badan yahay. Haddii aad doonayso inaad xukunto jaahiliinta waa inaad been kasta ku dabooshaa Diinโ€