Shacabka Soomaaliya oo si weyn u soo dhoweeyey dhambaalkii Tacsida ah ee Xukuumadda Somaliland

0
63

Falcelin xoogan ayaa ka dhalatay tallaabo ay qaaday Somaliland markii u horreysay kagana hadashay weerarkii Jimcihii ka dhacay xeebta Liido ee Muqdisho, dalka Soomaaliya, kaasi oo lagu laayay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Somaliland oo dhambaal tacsi ah u dirtay qoysaska ay dadkoodii kaga dhinteen qarixii xeebta Liido ee dalka Soomaaliya, ayaa dhambaalka lagu yidhi “dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya.”

Qoraal ay soo saartay wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa waxaa dhambaal tacsi ah ugu dirtay qoysaskii 32-kii qof ee ku dhintay qaraxa argagixiso. Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa tilmaantay “in ay garab taagan tahay xilliyada adag qoysaska iyo dhibaneyaasha rayidka ah ee wax ku noqday weerarkaa.”

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa ka hadlay tallaabada ay qaaday Somaliland, maadaama ay tahay markii ugu horreysay oo war noocaan oo kale ah ay kasoo saarto xaaladda Soomaaliya, waxaana dadka ka bixiyeen aragtiyo kala duwan, iyaga oo badi soo dhaweeyay hadalka Somaliland.

Khaalid Baashe ayaa yidhi “Somaliland oo 30 sano kadib hadda soo fahmaysa muhiimada dibloomaasiyadda!”.

Naciima Ismaaciil “Somaaliland waa gob walee Alle ha unaxariisto intii ku dhimatay dhaawacyadana Alle swt caafimaad taama ha siiyo Aamiin”

Xasan Suleymaan “Damqashadaad nala damqateen waa idinka haynaa, walalayaal maadaama Soomaalinimda naga dhaxeyso”.

Cabdiqaasim Tahliil “Waad ku mahadsantihiin sida aad ula damqateen walaaladiin Soomaaliyeed ee dhibta soo gaadhay. Qaranka soomalilaand ha guuleysto.