Wasaaradda Beeraha JSL oo Agab Beereed Gaadhsiisay Beeralayda Labi-sagaale

0
52

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland, oo kaashanaysa mashruuca Barwaaqo ayaa beeraleyda Labi-sagaalo ee gobolka Maroodijeex u qaybisay Siidhka beeraha noocyada kala duwan, agabka beeraha iyo Qarbado.

Masuul u hadlay wasaaradda beeraha ayaa sheegay in aanay ahayn markii u horaysay ee ay tagaan waxna ka qabtaan baahiyaha beeraleyda degaanka Labi-sagaalo, waxaanu xusay in Mashruuca Barwaaqo inta badan ku hawlan yahay dardargelinta qaybaha kala duwan ee nolosha.

Geesta kale waxa uu qalab kala duwan ku wareejiyay beeraleyda 10 beerood, waxaanu tilmaamay in uu agabkani ka kooban yahay Siidh, Qarbado, waxaanu bulshada ku booriyay haddii agabyadaasi loo qaybiyay ay sifiican u maamulaan in intan wax ka badan loo keeni doono, waxaanu ku dhiirigeliyay inay qalabka si fiican uga faa’ideystaan wax soo saarka iyo tacabka beerahana ay badiyaan.

Dhanka kale waxa uu sheegay in sida loo isticmaalayo qalabkani lagu tababari beeraleyda Labi-sagaalo, dhawaan haddii ILLAAHEY yidhaahdo, waxaa intaas ku daray in keenista qalabkani ay ku timid baahi ka timid bulshada degaanka, waxaanu hoosta ka xariiqay in wada shaqaynta beeraleyda iyo wasaaraddu ay noqonayso mid joogta ah.

Gaba-gabadii qaar ka mid ah beeraleydii agabkani la siiyay ayaa wasaaradad horumarinta beeraha uga mahadceliyay, waxaaney wasaaradda ka dalbadeen agab ka badan intan loo keeno, waxaaney xuseen in aanay ku filayn.