Xikmadda

0
65
  • Nebi Nuux (cs) mar keliya ayuu u dhowaaqay xayawaanada oo dhan, way ajiibeen oo doonidii wada koreen, Isagoo 950 sano uu u baaqayay Basharka, oo iyaguna ay diideen oo doorteen halaaga qaraqa. Dareenka fiican ayaa ka wanaagsan quluubta Bugta.
  • Wiilkii uu Dhalay Nebi Nuux (cs) waxa uu goโ€™aansaday in aanu bedelin gaalnimadiisa, isagoo ku soo koray guriga Nebiga daaciga ah ee Nuux (cs), Gabadhii Fircoon waxay goโ€™aansatay inay rumayso Nebi Muuse (cs) iyadoo ku noolayd guriga Daaqiga ugu weyn ee Fircoon ee Ilaahnimada sheegtay.
  • Duruuftu cudurdaar kuuma noqonayso, waa adiga ka dooranaya toosan.
  • Haku adkayn naftaada cibaadada, ku dheganow sunnaha iyo dhex dhexaadnimada.
  • Araga oo la sii daayaa wuxuu ku dhaxal siiyaa Hammi, Qammi iyo dhaawac uu qalbiga ku reebo. Ka wanaagsani waa ka indhihiisa laaba, Allah (sw) ka cabsaday.
  • Hadaad rabto inaad farxad ku noolaato muddoo gaaban aargooso, haddii aad jeceshahay inaad mudo dheer ku nolaatana saamax iyo cafis u same dadka.
  • Caaqilku waa qofka carbakiisu ka danbeeyo maskaxdiisa, nacaskuna waa kan carabkiisu ka horeeyo maskaxdiisa
  • Dadku waxay arkaan xanuunka jidhkaaga ka muuqda laakiin ma arkaan xanuunka ruuxdaadu la il daran tahay. Ka dadka ugu caqli badani waa kan isu haysta inuu ugu xikmad yar yahay.