Xukuumada oo JSL Daahfurtay Dhaqan-Gelinta Xeerar Muhiimad Weyn u leh Hannaanka Maaliyadeed ee Dalka

0
95

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Baanka dhexe ee Somaliland, ayaa magaalada Hargeysa ku qabtay munaasibad uu ku daahfuryay dhaqan-galka xeer nidaamiyayaasha baanka dhexe ee JSL.

Xeer-nidaamiyayaashan uu shaaciyay ayaa kala ah xeernidaamiyaha hababka lacag bixinta iyo hawlwadeenada hababka lacag bixinta Xeer Lr.1/2023, xeernidaamiyaha qolka isweydaarsiga aaladaha maaliyadeed, Xeer Lr.2/2023, xeernidaamiyaha sarifka lacagaha qalaad Xeer Lr.3/2024, xeernidaamiyaha adeegaha telefoonada la isugu diro Xeer 4/2024.

Munaasibadii daahfurka dhaqan-galka xeer nidaamiyayaasha baanka dhexe ee JSL, waxa ka soo qaybgalay masuuliyiinta baanka dhexe, xubno ka mid ah golaha wasiiradda, masuuliyiin ka socday hay’addaha maaliyadeed ee dalka iyo mudan iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Mudane Cali Cabdillaahi Daahir, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka jawaabista baahiyaha, haddii ay tahay mid sharci iyo mid aqooneedba.

Guddoomiyaha baanka dhexe ee JSL, ayaa sheegay inay mihiim tahay dhaqangalinta xeer nidaamiyayaashan si ay u noqdaan kuwa Qaranka iyo bulshadaba faa’iido u leh.

Waxaanu yidhi. “Xeerarkani qaarkood waxa ay horyaalaan baarlamaanka, xeer nidaamiyayaashan aynu dhaqangalkooda u joognana, haddii ILLAAHEY yidhaahdo qorshahooda, dhaqangalkooda iyo tababarkoodaba waanu idinla soo wadaagi doona, wixii hadda shaqadoodu socotana waanu dardargelin doona,”

Wasiirka wasaaradda isgaadhiinta iyo tiknoolojiyada Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Idiri, ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay ku mideynayaan hanaanka xarumaha dowligii ay kuwada shaqeeyaan.

Waxaanu yidhi. “Waxa aanu hadda wadnaa ka wasaarad ahaan qorshe aanu nidaamyadii dowladda isugu xidhayno,”

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in kaliya aanu baanka dhexe dhaqangalin karin xeernidaamiyayaasha iyo xeerarka baanka dhexe ee JSL, balse loo baahan yahay cidkasta oo ay khuseeyaan inay xil iska saarto sidii ay ay u dhaqangelinlahayd.

Waxanau yidhi. “Waxa loo baahan yahay xeerar iyo xeernidaamiyayaal, waxa loo baahan yahay habraacyo, waxa loo baahan yahay siyaasado, kuwaas oo ah kuwan aynu maanta halkan ku daahfurayno, balse xeerka waa la sameyn karaa balse qiimihiisa waxa la heli karaa marka la dhaqangaliyo, haddii kale waxa uu noqonaya khad madaw oo waraaq ku yaala, xilweynba ka saaraan baanka dhexe in uu hubiyo in la dhaqangaliyay balse isagu dhab ahaantii ma dhaqangelin karo, waa in baananku dhaqangaliyaan, sariflayaashu inay dhaqangeliyaan, xawaaladuhu inay dhaqangeliyaan, shirkadaha telefoonadu waa inay dhaqangeliyaan, markaasi ayaynu heleynaa faa’idadiisa xeer nidaamiyayaasha ama xeerarkan dhaqangalkooda,”