Xukuumadda Somaliland oo Dhambaal Tacsi ah u Dirtay Qoysaska Dadkii ku Ku Naf-waayay Qaraxii Muqdisho

0
101

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Somaliland ayaa dhambaal tacsi ah u dirtay qoysaska ay dadkoodii kaga dhinteen qarixii Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ee dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya.
Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal ay soo saartay wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee SOLNA, waxaanay dhambaal tacsi ah u dirtay qoysaskii 32kii qof ee ku dhintay qaraxa argagixiso.
Waxa kaloo wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland tilmaantay in ay garab taagan tahay xilliyada adag qoysaska iyo dhibaneyaasha rayidka ah ee wax ku noqday weerarkaas.
Wasaaradda arrimaha dibaddu waxa ay caddaysay in Xukuumadda Somaliland si weyn uga murugaysan tahay weerarka argagixiso ee Xeebta Liido ku galaaftay dad aan waxba galabsan oo shicib ah, gaar ahaan dhallinyarada.