“Ma jirto Hay’ad Siyaasadeed oo Sharci u leh in ay wax ka beddelaan“ Dr. Maxamed Warsame Ducaale

0
68

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Shacabka Somaliland Maxamed Warsame Ducaale ayaa sheegay in aanay jirin hay’ad Siyaasadeed oo awood u leh in ay wax ka badalaan dastuurka.

Maxamed Warsame Ducaale ayaa waxa uu intaasi ku daray in Afti Dadweyne lagu ansixiyay Dastuurka, isla markaana kaliya wax lagaga badali karo afti dadweyne.

Maxamed Warsame ayaa sidaa ka sheegay qoraal uu ku soo qoray barta uu ku leeyahay Twitter ka, waxaana uu yidhi “Dastuurka Somaliland waxa lagu ansixiyay afti dadweyne iyada oo lagu meel mariyay laguna ansixiyay 97%. Ma jiro hay’ad siyaasadeed oo sharci u leh inay wax ka beddelaan dastuurka. Afti kaliya ayaa lagu bedeli karaa”.