“Waa in la Fuliyaa oo lagu Dhaqmaa Xeer Nidaamiyayaasha Baanka Dhexe Soo Bandhigay” Wasiirka Maaliyadda

0
129

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta maaliyada Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa ku baaqay in la fuliyo oo lagu dhaqmo xeer nidaamiyayaasha baanka dhexe soo saaray.

Wasaaradda Horumarinta maaliyada Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad oo hadal ka jeediyey shalay munaasibad Baanka dhexe ku daahfuryay dhaqan-galka xeer nidaamiyayaal uu soo saaray ayaa sheegay in dal walba dhaqaalahiisa lagu qiimeeyo heerka hay’adahiisa maaliyadu taagan yihiin.

Wasiiir Sacad Cali Shire oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu “Hay’adaha maaliyaddu horseed ayey u yihiin hanaanka dhaqan dhaqaalaha ee wadanka. Waa barkulanka diraha, loo-diraha, qaataha, dhigaha, sariflaha, sariftaha, iibsadaha iyo iibiyaha.”

Waxuu sheegay in shaqada hay’adaha maaliyadu ku dhisan tahay laba shay oo ah is-aamin iyo kalsooni, waxaanu yidhi

“Khataro badan ayey leeyahiin, si looga hortago waxa loo baahan yahay xeerar iyo xeer-nidaamiyeyaal, hab-raacyo iyo siyaasado”

Dr Sacad ayaa sheegay in samaynta xeerarka ka muhiimsan tahay dhaqangelintooda,

“Xilka koowaad ayaa Baanka dhexe ka saran hubinta dhaqangelinta xeerarka iyo xeer-nidaamiyeyaasha uu soo saaro, sidoo kale waa in baananka gaarka, sariflayaasha, xawaalahada, shirkadaha adeegyada danabaysan ay hirgeliyaan si loo gaadho faa’iidada xeer-nidaamiyeyaasha.”

Waxuu uugu baaqay daneeyeyaashii kulanka ka soo qeybgalay inay wadajir uuga shaqeeyaan dhaqangelinta xeer-nidaamiyeyaasha Baanka Dhexe soo saaray.