Xukuumadda Somaliland oo Wadda Qorshe ay ku Joojinayso Dalagga Dalka Dibeddiisa ka Yimaadda

0
94

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Habane, ayaa sheegay inay sameynayaan qorshe ay ku joojiyaan dalagyada dalka dibeddiisa ka imanaya ee curyaaminaya wax soo saarkii beeraleyda dalka, isla markaana caqabada ku ah xilliyada ay beeraleydu wax soo saarkooda u iibkeenaan suuqyada dalka.

Wasiirku waxa uu xusay in qorshe Qaran ay ku joojin doonaan haddii ILLAAHEY yidhaahdo, khudaarta ka timaada dalalka aynu jaarka nahay, si muwaadiniintu iib ugu helaan midhihii ay mudada badan ku tabcayeen.

Geesta kale waxa uu sheegay in qorsheyaasha ay ku joojiyanayaan dalagyada dalka dibadiisa ka imanaya ay ka mid tahay in xilliyada dalagyada dalku soo go’aan ay cashuurta ku kordhin doonaan kuwa dalka dibeddiisa ka imanayay, waxaanu tilmaamay in ay beeraleyda u noqonayso dhiiri-gelin.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi. “Wax-soo-saarka beeraleyda dalku soo saaraan qorshe ayaanu ka yeelanay, anaga iyo wasaaradda maaliyadu sidii loo horumarin lahaa, islamarkaana wax looga qaban lahaa midhaha dalka dibeddiisa kaga imanaya si kuwa ay soo saareen iib loogu helo, xataa haddii khudaarta dalka dibeddiisa ka imanaya lagu joojin karo qorshe heer Qaran ah waanu ku joojinaynaa, waxa kale oo aanu sameynaynaa in aanu cashuurta ku kordhino dalagyada dalka dibediisa ka imanaya xilliyada ay beeraleydeena u soo go’ayaan dalagyadii ay beerteen si aanu tacab khasaar ugu dhicin.,”