Dagaalkii Ugu Mudada Yara iyo Caalamka!

0
73

Dagaalada yaabka leh ee dhex maray dawladaha caalamka waxa ka mid ah mid ka dhex qarxay sanadkiiย  1925 labada dal Giriiga iyo Bulgariya, labada dawladood ayaa ka qayb galay dagaalkii koowaad ee dunida iyagoo iska soo horjeeda. Markii dagaalkii uu dhamaaday goobaha xadka ee labad dal wadaagaan waxa ay ahaayeen kuwo degan laakiin haddana uu shaki badani ka jiray.

Haddaba bishii October 22, sanadkii 1925ย  magaaladda ku taalla xaduuda ee Petric waxa u talaabay Ey uu lahaa askari Giriig ahi, Waxaana Eygaasi toogtay Askarta ilaalada xadka ee Bulgaariya isagoo halkaasi ku dhintay.

Dawladda Giriiga ayaa arinkaasi ka cadhootay waxaana ay weerar adag ku qaaday maalintii ku xigtay magaalada Petric. Magaaldaasina waa ay wada qabsatay, waxaana ay dagaalkan ka dhigtay kuwii ugu yaabka badnaa ee dunida ka dhaca.

Bishii Augstย  27 Sanadkii 1896 dagaalkii dhexmaray dalka Ingiriiska iyo Xaakinkii Sinisbaar. oo socday muddo 38 daqiiqo keliya ayaa noqday dagaalkii dunida ugu gaabnaa ee dhaca. Dagaalka ayaa istaagay markii Sinsibaar iclaamisay inay dagaalkii ka baxday.