Damaca Iyo Natiijadiisa Khariban!

0
63

Gabadh ayaa u sheegtay nin kale oo ay goob shaqo isku barteen, in ninkeedii uu ka baxsaday muddo badan ka maqnaa, isla markaana ay doonayso inay iska furto. Waxaana ay u balan qaaday inay siin doonto $ 20 , hadii uu maxkamadda u raaco oo iska dhigo ninkeedii oo furaya si ay u hesho warqadeedii.ย  Aad ayuu ugu farxay balanqaadkeeda waana uu ka ogolaaday.

Subaxii ayay maxkamada tegeen markii ay garteedii akhrisatay ayaa xaakinkii weydiiyay โ€œWaar Xaaskaagii ma tahay? Waxaana uu ku jawaabay haa. Xaakin waa iyadii. Xakiinka ayaa haddana ku yidhi: โ€œ Cabashadan ah in aanad biil siin soo run maaha ? Waxaan uu ku jawaabay โ€œhaa, laakiin imika ayaan furayaa oo warqadeedii siinayaโ€.

Xaakinka ayaa ka dib goโ€™aakan soo saaray: โ€œ Fur , warqadeedii sii, isla markaaan waxaad siin doonta oo aanu kugu xukunay $ 1000โ€. Ninkii ayaa aad u yaabay lacagtan lagu xukumay, waxaana u garan waayay waxa uu yeeli doono.

Markii ay gabadhii isa soo raaceen ayay ku tidhi: โ€œ Waxaad yeelaysaa isii $ 980, ee 1000 maxkamadu iigu kaa xukuntay, marka aad ka goosato labaatankii aan kuugu balan qaaday โ€œ. Ninkii oo yaaban ayaa yidhi oo anigu miyaan ku qabay , soo waxaan aan sheegayay been ma ahayn. Waxaana ay ku jawaabtay โ€œ isk dhaaf bixi lacagta bixi ama maxkamadda aan ku noqdo halagu xidheeโ€. Tani waa cidhibta beenta aad u sheegto adigoo damac xun oo adduunyo raadis ahi ku hayo