“Somaliland Xamar Looga Talin Maayo, Arrinta Turkiguna Waa Gaf Mana Aqbalayno” Madaxweynaha JSL

0
83

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Berbera-(Dawan)- Madaxweynaha Jmahuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan magaalada Berbera, ayaa wax aan suuragal ahayn ku tilmaamay in heshiis ay dawladda Soomaaliya gashay laga fuliyo Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka jawaabay hadal Jimcihii kasoo yeedhay Wasiirka Arrimaha Debadda ee Dawladda Turkiga Kasoo oo dawladda Itoobiya ugu baaqay in ay Soomaaliya kala xaajooto badda ay Somaliland ugu baahan tahay “Wasiirka arrimaha debadda ee Turkivga ayaa arrimaha Somaliland soo fara geliyey oo yidhi ‘Waxaan ku talinayaa inay Itoobiya inta aanay Somaliland wax toos ah la gelin ay usoo marto Xasan Sheekh’ taasina waa gaf Somaliland-na ma aqbalayso” ayuu yidhi Madaxweynaha JSL.

Madaxwaynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in aanay marna suura gal noqonayn in Somaliland looga taliyo Xamar waxaanu arrintaa ku tilmaamay cadceed galbeed kasoo baxday isaga oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhib “Somaliland ayaa Xamar looga talinayaa waxa ay la mid tahay qorraxdii oo galbeed kasoo baxday suurta gelinamayso”