Urur Siyaasadeedka Mideeye oo si Rasmiya uga Biiray Xisbiga Kulmiye

0
56

Qore Khaddar Cabdi Muuse

Berbera (Dawan): Urur siyaasadeedka Mideeye oo ka mid ah urur siyaasadeedyadda jamhuuriyadda Somaliland ayaa heshiis rasmi ah oo uu kaga mid noqonayo la saxeexday xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye.

Heeshkan uu urur siyaasadeedka Mideeye la saxeexday xisbiga Kulmiye oo ka qabsoontay magaaladda Berbera, waxaa dhinaca xisbiga Kulmiye u saxeexay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbigaasi C/casiis Maxamed Samaale, halka dhinaca urur siyaasadeedka Mideeyana uu u saxeexay guddoomiyaha ururkaasi Cismaan Bad-maax.

Saxeexii heshiiskani waxaa goob joog ka ahaa xubno ka mid ah masuuliyiinta urur siyaasadeedka Mideeye, iyo sidoo kale madaxda xisbiga taladda Somaliland haya ee Kulmiye.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Mideeye Ambassador Cismaan Badmaax, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ururkiisu uu codad aad u badan ka keenay lixda gobol ee waaweyn ee dalka, xiligii lagu jiray tartankii xisbiyadda iyo ururadda siyaasadda.

Waxaanu yidhi“Urur siyaasadeedka mideeye wuxuu ahaa, ururkii kaalinta koowaad gallay ee cududiisa muujiyay, lixda gobol ee dalka. Isagoona kasbaday lixda gobol in ay ka helaan taageero mug iyo miisaan leh, guushaasi waxay metelaysay iraadada shacbiga, oo Mideeye u arkay in ay yihiin jiil cusub, in ay yihiin urur u taagan in ay horumar ka shaqeeyaan.

Waxaa sharaf noo ah, in aanu go’aansanay markii hore in aanu shuruud la’aan ugu biirno Kulmiye, musharaxayaguna uu yahay Muuse Biixi Cabdi. Anagoo u aragna inuu yahay hogaamiyaha keliya ee dalka ka saari kara xaaladan adag ee hada lagu jiro, ee ay himiladeenu tahay inuu hanto aqoonsi iyo ictiraaf, inoo hor seeda in aynu caalamka ka mid noqono”.

Ambassador Cismaan Badmaax, waxa kaloo uu sheegay in kadib shir balaadhan oo uu urur siyaasadeedka Mideeye yeeshay lagu go’aamiyay in si rasmi ah loogu biiriyo dhamaanba wixii cudud iyo taageero uu hayay xisbiga Kulmiye.

“Ururka Mideeye ayaa shir balaadhan oo wada tashi ah uu hogaankiisu yeeshay, waxaa la isla gartay in xisbiga Kulmiye aanu wax wada yeelano. Xisbiga Kulmiye waxaanu u aragnaa halkuu ka soo jeedo, iyo cida ku jira, iyo cida hogaankiisa haysa. Waxaa ku jira raggii u soo halgamay dalkani.

Waxaanu isla garanay wakhtigan ahda lagu jiro, cida keliya ee aanu garab saar la yeelanayno, la midoobayno, ku biirayno, in ay yihiin xisbiga Kulmiye. Anagoo noqonayna jiil dhiig cusub ku shubaya Kulmiye. Waxaanu rejaynaynaa in aanu guusha 13-ka bisha November ee sanadkan in ay noqon doonto mid deg deg loo gaadho”ayuu yidhi Cismaan Badmaax, guddoomiyaha urur siyaasadeedka Mideeye.

Geesta kale guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye C/casiis Maxamed Samaale, oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in waxyaabaha ay ku heshiiyeen xisbigooda iyo ururka Mideeye ay ka mid tahay in laga siiyo afar xubnood guddiga fulinta Kulmiye iyo in golaha dhexena laga siiyo shan iyo toban xubnood.

C/casiis Samaale, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Caawa oo ay bishu tahay 13-ka bisha November, waxay hogaanka sare ee xisbiga Kulmiye, iyo hogaanka sare ee urur siyaasadeedka Mideeye, ay ku heshiiyeen in ay midoobaan, oo urur siyaasadeedka Mideeye, uu ku soo biiro xisbiga Kulmiye.

Qodobadda aanu ku heshiinay urur siyaasadeedka Mideeye, waxaa ka mid ah in urur siyaasadeedka Mideeye uu si buuxda ugu biirro. Waxa kaloo qodobadaasi ka mid ah in urur siyaasadeedka Mideeye laga siiyo afar xubnood guddiga fulinta, golaha dhexena shan iyo toban xubnood xisbiga Kulmiye”.