Kalfadhigii 85-aad ee Guurtida JSL oo Sabtida Furmaya

0
66

 

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Kalfadhigii 85-aad ee golaha guurtida Somaliland ayaa sirasmiya u furmaya maalinta sabtida ee toddobaadka fooda innagu soo haya haddii ILLAAHEY yidhaahdo.

Golaha ayaa ku maqnaa fasaxoodii Dastuuriga ahaa, ee u dhaxeeyay labada Kalfadhi, waxa yeedhmada mudanayaasha lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee golaha guurtida JSL, waxaana mudanayaasha lagu adkeeyay inay ka soo xaadiraan wakhtigana ilaaliyaan.

Waxa qoraalka ku saxeexna xoghayaha guud ee golaha guurtida JSL, Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi, ayaa u dhigna sidan:-

Dhammaan Mudanayaasha Golaha Guurtidda JSL waxaa la ogaysiinayaa inuu furmayo kalfadhigii 85aad ee Golaha Guurtidda JSL maalinta sabtida bishuna tahay 17/08/2024, 9 subaxnimo haddii ALLE yidhaahdo.

Sidaa darteed waxaa mudanayaasha la farayaa inay dhawrtaan wakhtiga.