Somaliland oo Diyaarinaysa Xeer Magdhaw Siinaya Dadka Xabsiyada ku Xidhan ee Dambiyada lagu Waayo

0
69

Qore Boqore Axmed Cabdi

Hargeysa (Dawan) Masuuliyiinta xuquuqal iinsaannka Qaranka Somaliland ayaa shalay hortagey guddida joogtada ah ee golaha guurtida, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay xildhibaan Siciid Maxamed Cismaan (Siciid Libaaxo), oo ka tirsan guddida joogtada ah.

Gudoomiyaha guddida Xuquuqul Insaanka Qaranka Maxamed Baaruud Cali ayaa sheegay in Saxafiiyiinta Somaliland inta badan la xidho iyada oo aan sharciga loo marain ama waaran la’aan, waxaanu xusay inay ka shaqeeyaan sii dayntooda iyo sidii ay xoriyad u heli lahaayeen.

Dhinaca kale gudoomiyaha Xuquuqul Insaanka Qaranka ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan xeerka magdhawga qof kasta oo la xidho oo muddo badan u xidhnaada iyada oo aan wax danbi ah lagu helin

Waxaanu yidhi. “Waxaanu leenahay taageerada Looyarada dadka rumaanka ah ee maxkamadda lagu celcelinayana waanu u tagnaa si aanu u ogaano duruufahooda cidda ay khuseyna waanu kala hadala.

Waxa kale oo jira dad xukuman oo had iyo jeer lagu hayo saldhigyada booliska oo aanay ahayn in lagu hayo isla markaana ay tahay in la geeyo jeelka marka waanu kala socona, ciddii ay khuseysana waanu kala hadla marka dad badan oo sidaasi aanu caawina way jiraan.

Warbaahintana dowladda iyo cida ay khuseyso ee soo xidhay ayaanu kala hadlaa, wariyayaasha ugu badan iyada oo aan waran loo qaadan ayaa la soo xidha, marka taasi ayaa ah qodobada ugu mihiimsan warbixin sannadeedkayagana waanu ku xusna mar walba, tirada la xidhay, in la siidayo iyada oo aan waran loo qaadan intaba.

Haddii qof la soo xidho oo danbigii lagu waayo mahela magdhaw, lagama helo, balse imika xeer aanu wadno ayaa odhanaya in dadkaasi ciddii khaladka ku soo xidhayna abaalkeeda la mariyo iyagana magdhaw la siiyo, walise xeerkaasi ma dhaqangalin, hase ahaate waa mid Qaranka oo dhami kawada hadlayo”.

Agaasimaha Fulinta Komishanka Xuquuqal Aadamaha Qaranka JSL Cabdisamad Sacad Xasan ayaa warbixin dhinacyo badan taabeysana oo la xidhiidha shaqada ay Qaranka iyo bulshadaba u hayaan siiyay guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland.

Agaasime Cabdisamad waxa uu sheegay in qareeno ay ka caawiyaan dadka nugul ee aan haysan awood dhaqaale oo ay ku qabsadaan qareen u dooda.

Waxanau yidhi.“Waxaanu bilowney Qareeno u adeega bulshada nugul ee u baahan in laga matelo maxkamaddaha, ama talo laga siiyo, qawaaniintooda iyo shuruucdooda kiisaskooda la xidhiidha.”