Somaliland oo Turkiga ku Eedaysay Faro-gelin

0
79

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay in ay ka go’antahay in ay sii wadayso fulinta heshiiska isfahan ee dhex maray dawladaha Somaliland iyo Itoobiya.

Sidaasna waxa lagu bayaamiyay warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland oo ay soo turjuntay wakaaladda wararka ee SOLNA, waxana lagu sheegay inay Jamhuuriyadda Somaliland ay fulinayso hirgelinta heshiiska isfaham ee ay wadagaleen Itoobiya.

Wasaaradda arrimaha dibaddu waxa ay xustay in ay si dhow ula socotay wadahadalkii maamulka Muqdisho iyo Itoobiya ee Turkigu dhexdhexaadiyaha ka ahaa oo bilowday 12kii August, wadahadalkaasi oo aan laga gaadhin natiijadii Turkigu ka doonayey.

Xukuumadda Somaliland waxa ay ku eedaysay Turkiga dhexdhecaadnimo la’aan iyo in uu farogelinayo heshiiska isfaham ee Somaliland iyo Itoobiya. Waxaanay xustay shirkii jaraa’id ee Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkigu qabtay 9 bishan uu sheegay in himiladoodu tahay xal u helida xiisada u dhexaysa dawladda Muqdisho iyo xukuumadda Itoobiya, iyagoo galaangalka mandaqada ee Turkuga ay ka muuqato dhexdhexaadnimo la’aan