Munaasibad loo qabtay Arday ku guulaysatay Deeqaha Waxbarasho ee Taiwan 2024

0
75

Qore: M.Walaaleeye

 

Hargeysa(Dawan);- Xafiiska Taiwan ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa 14-kii August, 2024 xafladda  u qabtay 32 arday oo ku guulaystay  deeqaha waxbarasho ee Taiwan 2024. Deeqaha waxbarasho ee dalka Taiwan oo ay bixiyaan Wasaaradda Arrimaha Dibedda, deeq-waxbarasho oo Taiwan ICDF ah, iyo Deeq-waxbarasho Ciidan oo Taiwan ah.

Munaasibadan oo ahayd mid aad u qiimo badan ayaa waxa ka soo qayb galay gudoomiye ku xigeenka komishanka tacliinta sare ee qaranka Somaliland Cabdi Ismaaciil Yuunis, masuuliyiin kale oo ka socday wasaaradaha, waaxyaha iyo hay’adaha dawladda Somaliland, wakiilka Somaliland ee dalka Taiwan Dr. Mohamed Omar Hagi Mohamoud iyo masuuliyiin kale.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Taiwan ee Somaliland ayaa lagu sheegay in “Sannadihii la soo dhaafay arday gaadhaysa 124 qof oo reer Somaliland ah ay si toos ah uga faa’iideysteen deeqaha waxbarasho ee Taiwan, oo gacan ka gaysatay horumarinta waxbarashada iyo cudud shaqaale ee qaybaha kala duwan ee Somaliland.

Danjire Allen Lou oo ka hadlay ayaa ku dhiiri galiyay ardayda Somaliland ee heshay deeqda waxbarasho in ay ka faa’iidaystaan ​​fursada ay wax ku baran doonaan dalka Taiwan, isla markaana ay u guntadaan sidii waxa ay ku soo barteen Taiwan ugu biirin lahaayeen horumarka Somaliland.

“Tani waa dhacdo muuhim ah oo  xoojinaysa xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, waa iskaashi faa’iido u leh labada dhinac oo astaan ​​u ah saaxiibtinimada iyo iskaashiga dhow ee labada dhinac sannadihii la soo dhaafay Ilaa 2024, waxa Somaliland deeqaha waxbarasho helay 124 qof.

Danjire Lou waxa uu xaqiijiyey in barnaamijka deeqaha waxbarasho ee Taiwan uu qayb muhiim ah ka qaato xoojinta iyo adkaynta xidhiidhka laba geesoodka ah ee Taiwan iyo Somaliland.

“Taiwan waa dal la saaxiib ah oo la wadaag aqoonta Somaliland iyo guud ahaan Bariga Afrika – tani waa qayb ka mid ah habka loo xoojiyo xidhiidhka dadka – iyo – dadka.” Amb Allen ayaa yidhi