Qorshaha Cusub ee Sinwar ee Xabad Joojinta Gaza

0
67

Kaddib hadalkii ay Xamaas soo saartay ee ku baaqayay in la hirgeliyo qorshaha uu soo jeediyay madaxweyne Biden, way iska cadahay in Xamas ay qaadaneyso qorshe cusub oo wadaxaajood kaas oo ujeedkiisu yahay in Israel la saaro cadaadis iyo hab qasab kaga dhigaya dhexdhexaadiyayaasha in aanay wax kale oo dheeri ah ka beddelin qorshaha.

Sidoo kale Xamaas waxay qaadatay tallaabo ay kaga hortageyso waqtiga oo la lulmiyo ama in marka wadaxaajoodka lagu soo laabto laga soo bilaabo halkii ay sheekadu ka bilaabatay.

Israel waxay isku dayeysaa in ay ka faa’ideysato gacan-sareynteeda Gaza iyo dilalka soo noqnoqday ee ay u geysato qaar ka mid ah madaxda Xamaas.

Diiwaanka wadahadalka waxay Falastiiniyiintu isticmaalayaan tallaabo wadaxaajood oo aan dabacsaneyn sida ay sheegayaan goobjoogayaasha.

Mabaadi’da asaasiga u ah heshiiska ay doonayaan Xamaas waa in ciidamada Israel laga saaro Gaza, dadka deggan waqooyiga Gaza oo ku soo laabta iyadoo aan la hubineynin heybtooda iyo la sii daayo maxaabiista.

Xamas oo Mareykanka, Britain iyo Midowga Yurub u aqoonsan yihiin argagixiso waxay aaminsan tahay in raysalwasaaraha Israel doonayo in uu keeno shuruudo dheeri ah kuwaas oo sii adkeyn kara in wax heshiis ah la gaadho.

Xamas oo taas ka jawaabeysa ayaa soo saartay hadalkii u dambeeyay ee la xiriiray ka qeybgalka wadahadalada. Waxay ugu baaqeen dhexdhexaadiyayaasha in ay soo bandhigaan qorshaha lagu hirgelinayo wixii hore loogu heshiiyay.

Iyagoo ka jawaabaya baaqa saddex geesoodka ee Masar, Mareykanka iyo Qatar waxay sheegeen in dalabkooda uu ku saleysan yahay qorshaha Biden ee xabad joojinta iyo qaraarka Qaramada Midoobay halkii wadaxaajoodyo badan la sii wadi lahaa ama qorshooyin cusub ay aaminsan yihiin in ay daboolayaan tallaabooyinka kuwa ku soo gardarooday.

War ka soo baxay xafiiska Netanyahu Tallaadadii ayaa lagu beeniyay in shuruudo cusub lagu soo bandhigay wadahadaladii ay la lahaayeen Xamaas.

Kormeerayaasha shirka ayaa ku tilmaamay mowqifka Xamaas ee wadaxaajoodyada mid adag inkastoo reer galbeedka ay xaqiijiyeen in ay ka qeybgalayaan wadahadalada aan tooska aheyn ee Masar iyo Qatar.

Ergada Xamaas ma fadhiyaan miiska lagu wadahadalyo balse way joogaan goobta shirka, waxayna fariismo is dhaafsadeen dhexdhexaadiyayaasha.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa bishii May soo jeediyay qorshe saddex heer ah oo lagu dhameynayo dagaalka Gaza. Wajiga hore waxa uu soconayaa lix toddobaad, waxaana ku jira xabad-joojin iyo in ciidamada Israel laga saaro dhammaan meelaha la deggan yahay ee Gaza iyo in maxaabiista lays-dhaafsado.

Wajiga labaad ee qorshaha Biden ayaa ahaa in dhammaan maxaabiista hortay ee nool ay Xamaas sii deyso oo ay ku jiraan haweenka askarta ah iyo ciidamada Israel oo Gaza ka wadabaxa iyo xabadjoojinta kumeel gaaarka ahna ay noqoto mid rasmi ah. Wajiga seddaxaadna waa dib u dhiska Gaza.

Kuwa ka faalooda siyaasadda way ku kala duwan yihiin ra’yigooda ku saabsan habka ay wadaxaajoodka uga qeybgaleyso Xamaas. Hussam Al-Dajani wa Falastiini deggan Masar, kana faalooda siyaasadda, waxa uu aaminsan in Xamaas ay dooneyso dhaqangelinta wixii hore loogu heshiiyay.

Mukhaimer Abu Saada oo ah borofesar siyaasadda jaamacadda Al-Azhar ee Gaza, kuna nool Qaahira ayaa aaminsan in Xamaas ay dooneyso ka go’naashaha Israel ee heshiiska.

Xamas miyey dishay maxaabiista?

Garabka hubeysan ee Xamaas ayaa sheegay Isniintii in askartii ilaalineysay la haystayaasha Israel ay dileen la hayste iyagoo sidoo kalena dhaawacay labo haween ah. Militeriga Israel waxay sheegeen in aanay cadeyn karin ama beenin karin waxa ay Xamaas sheegtay.

Tani waa markii ugu horeysay Xamas ay sheegto in ciidankeeda ay dileen la haystayaal intii uu socday dagaalka Gaza. Hore waxay u sheegi jireen in duqeynta Israel ay ku dhinteen la haystayaal.

Dadka la socda arrimahan oo BBC-da la hadlay ayaa aaminsan in sheegashada Xamaas ee dalka iyo jawaabta wadahadalada xabadjoojinta ay suuragal tahay in ay qeyb ka yihiin farsamada ay ku wajaheyso wadaxaajoodka. Xamaas waxay doonayaan in ay mowqofka adag ka qaataan wadaxaajoodka.

Sharbil al-Gharib oo ah qoraa, kana faalooda siyaasada ayaa ku tilmaamay isbeddelada siyaasadda Xamaas farsamo ku soo aaday waqtiga saxda sababtoo ah waxay noqoneysaa cadaadis la saaro Israel, waxayna ku dhiirogelineysaa dhexdhexaadiayaasha in ay jid cusub qaadaan.