Sheekh Cabdiraxmaan Dheere oo Fariin Adag U Diray Culimada Soomaaliya

0
64

Qore: Khadar M.Xaashi

Hargaysa (Dawan) Sheekh Cabdiraxmaan Dheere oo ka mid ah Culimada reer Somaliland ayaa fariin u diray culimada Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay inay bulshada Somaliland ku gaalaysiinayeen dawladda Itoobiya ayay heshiis la galeen, waxaanu xusay in hadda ay iyagii iyo dawladoodii faraha kula jiraan heshiiskii oo ay baryayaan Itoobiya.

Sheekh Cabdiraxmaan Dheere ayaa sheegay in wakhtigaas oo ku beegnaa sadex bilood ka hor inay culimadaasi soo saareen Fatwo ay leeyihiin Somaliland gaalo ayay heshiis la galeen oo way gaaloobeen, balse imika ay iyaga iyo madaxtoodii ay maalintaasi Fatwada u soo saarayeen ay Itoobiya leeyihiin shuruud la’aan ayaanu idinku siinaynaa badda.

Sheekh Cabdiraxmaan Dheer ayaa wakhtiga ay Fatwada ay soo saareen culimada Soomaaliya ku sheegay inay tahay Fatwo siyaasiya balse aanay ahayn mid diineed, waxaanu tilmaamay inay culmidaii maalintaasi dadka gaalaysiinayay ay maanta ka aamuseen oo ay afka gacanta saareen.

Sheekh Cabdiraxmaan Dheere ayaa ugu baaqay culimada Soomaaliya inay ILLAAHAY ka cabsadaan oo ay baadilka ka fogaadaan, waxaanu su,aal galiyay halka ay mareen culimadii Somaliland Fatwada ku soo saarayay maalintaasi ee Aayadaha Qur’aanka iyo Axaadiista dareerinayay iyo waxa ay uga aamusan yihiin waxa ka socda Soomaaliya.

Ugu danbayn waxa uu shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay diintooda bartaan xaqana runta ka sheegaan, xuquuqda ay leeyihiin iyo nimcooyinka ALLE siiyayna inay sidooda uga soo baxaan oo ku mahadiyaan, waxaanu uga digay Fatwooyinka siyaasiga ah ee ay soo saarayaan dadka dahan gaarka ah leh ee raba inay ku wax yeeleeyaan dalkan iyo dadkan.