Walaaca Xaaladda Fiditaan ee Xanuunka Furuq Daanyeerka MPOX

0
47

Xubinta labaad ee barnaamijka caafimaadka Wargeyska Dawan waxa aynu ku dul istaagi doonaa xaaladda fiditaan ee xanuunka Furuq Daanyeerka ee loo yaqaano MPOX, kaasi oo ay wallaac aad u wayn ka muujisay fiditaankiisa Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Cudurkan ayaa aad ugu fidaya dalal badan oo ku yaala Afrika, waxaana la sheegay inuu soo gaadhay Bariga Afrika oo kiisaskii u horeeyay la arkay, waxa aad looga cabsi qabaa fidtaanka xawliga ku socda ee xanuunkan, kaasi oo leh calaamado argagax leh oo qofka u uku dhaco ay ka soo daadanayaan finan aad u badan oo dheecaan leh.

Haddaba Saacadihii ugu danbeeyay waxaa dunida aad looga hadal hayaa xanuun la yidhaa MPOX ama (furuq daanyeer) oo si xawli ah ugu fidaya qaarada madaw iyo meelo kale oo dunida ka mida.

Cudurkan sida culimada caafimaadku sheegayso calaamadihiisa waxaa ka mida:

qandho, finan, madax xanuun, murqo xanuun, iyo tamar darro.

Qiyaasta dhimashada cudurkan waxaa lagu sheegay 3-4% ugu badnaan waana cudur mudooyinkii u danbeeyay jiray xiligana la yimid fiditaan xawli ah iyadoo hay,adda WHO saacado ka hor soo saartay digniino la xidhiidha cudurkan.

Bariga Africa waxa la sheegayaa in dalka Kenya lagu arkay qofkii u horreeyay taasi oo ka dhigan in dalalka ku yaal madaqadan oo marka horeba adeegyadooda caafimaad ay tabcaan ahaayeen ay soo waajahday khatar caafimaad oo aanay xamili karin.

Ugu danbayn bulshooyinka dalalka geeska africa, dawladohooda iyo bahda caafimaadka waxaa la gudboon inay ku baraarugsanaadaan una diyaar garoobaan sidii cudurkan looga gaashan lahaa taasi oo ah xalka ugu haboon ee arrintan iyo kuwa soo raaca.