Wasaaradda Caafimaadka JSL oo Agab Caafimaad Kala Wareegtay WHO

0
48

Xubinteena koowaad ee barnaamijka caafimaadka Wargeyska Dawan todobaadkan waxa aynu ku eegi doonaa, wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland oo agab caafimaad kala wareegtay Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, kaasi oo ka kooban agab caafimaad, daawooyin iyo qalabka tamarta dhaliya ee Solar-ka.

Haddaba Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr.Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa hay’adda cafimaadka aduunka WHO kala wareegay qalab caafimaad, dawooyin iyo qalabka tamarta dhaliya (Solar).

Munaasibad kooban oo ka qabsoontay xarunta kaydka daawada ee Qaranka, ayaa waxaa goobjoog ahaa, Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Maroodi-Jeex, Agaasimaha iyo Agaasime ku xigeenka waaxda adeega caafimaadka iyo Cisbitaalada, Mareeyaha qaybta Dawada iyo qalabka caafimaadka, madaxa hay’adda caafimaadka aduunka xafiiskeeda Hargaysa iyo sidoo kale madax mashruucan ee Hay’adda WHO.

Masuuliyiinta madasha goobjooga ahaa, ayaa si qotodheer uga waramay Agabkan, daawooyinkan Caafimaad sida ay uga qaybqaadan doonaan habsami u socodka hawlaha caafimaadka ee ka socda xarumaha caafimaadka ee uu mashruucani ka socdo.

Agaasimaha guud ayaa tilmaamay muhiimada dawooyinkan iyo qalabkani, isagoo ku dheeraaday sida ay kor ugu qaadidoonaan adeega caafimaadka ee xarumaha mashruucani ka shaqaynayo,

Isagoo uga mahadnaqay hay’adda WHO iyo Deeq bixiyaha Mashruucan ee King Salman oo ku Deeqa qalabkani.

Dawooyinka qalabka caafimaadka iyo qalabka tamar dhaliya, ayaa qaybka ah mashruuca king salman (Every BreathCounts) ee ay iska kaashanayaa hirgelintiisa Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Hay,adda WHO, taasoo uu maal galinayo King Salman humanitarian and relief center.