Geeska Afrika, caqabad hor leh iyo xasaraddo qarxa waxa u horseedaya haddaan laga hortegin Dawladda taagta daran ee Soomaaliya oo markii ay dhinac walba ka fashilantay, kuna guul-daraysatay dawladnimo caggo-ku-taagnaan leh iyo inay ka xorowdo kooxaha Argagixisada ah ee dalka ka haysta, iyadoo ka faa’idaysanaysa kaadhka aqoonsi ee ay haysato gobolka ku soo hogaaminaysa Talisyo shisheeye oo doonaya inay boobbaan Khayraadka Dalkaasi, kuwo raba inay ka helaan Saldhigyo ay kaga duullaan qaar kamida wadamada Gobolka iyo kuwo kale oo danno istaraatiijiyaddeed oo aan qeexnayn ka leh mandaqada.
Tan iyo markii Somaliland iyo Itoobiya kala saxeexdeen Heshiiska isfaham (MOU) bishii Janaury ee sanadkan 2024-ka maamulka fadhigiisu uu yahay Xaafada War-dhiigley ee Muqdisho, waxa uu shaqo ka dhigtay dagaal ka dhan ah heshiiskaasi oo aan wax uga cabaa jirin, kaasoo ku wajahan labada Dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya oo ku hawlan dhamaystirka isfahamkooda iyo sidii ay qaab farsamo ugu jaan-goyn lahaayeen dannahooda.
Ka sekow buuqa iyo qaylada ay dhegaha ugu rideen shacbiga Soomaaliya ee la daalaa-dhacaya dayaca iyo dawlad la’aanta, hogaamiyeyaasha Xukuumadda bilaa midnimada ah ee Muqdisho fadhiyaa waxa ay dunida la hortaag yihiin Itoobiya ayaa ku soo xad-gudubtay qaranimada iyo madaxbanaanida Dalkayaga ee hanalaga qabto, hadda nimanka dacwadaas caalamka gaadhsiiyey ma xukumaan Magaalada ay joogaan oo keliya dal kalena hadalkiisaba daayoo.
Haddaba markii cidi ay ka garowsan wayday dooddaasi jaban ee ay fagaareyaasha la tageen, isla markaana ay ku hungoobeen inay dagaal diblomaasiyaddeed ku baabiyaan heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, lagana siisan waayey wixii ay ku dacwoonaysay, maadaama Dawladdaha caalamka ay badankoodu ogyihiin inay Somaliland tahay dal madaxbanaan oo ku yaalla Geeska Afrika, isla markaana leh xuduuddo cayiman iyo jiritaan taariikheed, waxa ay Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa reer Banaadir ay door moodeen inay colaado shisheeye u soo xawilaan Deegaamada Soomaalida, kaddib markii ay todobaadkii ina dhaafay Magaalada Qaahira ay ku saxeexeen heshiis halis weyn u horseedaya xasiloonida iyo nabad-gelyada mandaqada aynu ku nool nahay.
Heshiiskaasoo lagu sheegay mid iskaashi Milateri ah oo ay la galeen Dawladda Masar, waa mid jar-iska-xoornimo halkii ugu saraysay ah, isla markaana dhulka Soomaalida u soo waaridaya colaada dabada dheer ee u dhaxaysa Itoobiya iyo Masar ee la xidhiidha Webiga Nile-ka.
Inkasta oo heshiiskaasi siduu u fulayo ama inuu fullayo su’aallo badani dul yaallaan, haddana waxa uu soo kordhinayaa keliya waa cawaaqib xumo hor leh iyo colaad lagu riiqdo oo uu ka dhex shido wadamada deriska ah ee Itoobiya iyo Soomaaliya, kaasoo haddii uu qarxo mandaqada oo dhan saamaynaya, maadaama ay dadyowga Soomaalidu xaalad kasta oo ay ku sugan yihiin wax-qaybsi ku leeyihiin, taasi micnaheedu maaha inay saameynta iska-hor imaadku ka dhacayo Dhulka Somaliland ama ka Jabuuti ee waa inay cawaaqibka iyo riiqdu ku soo fidayso, halka isku-dhac kastaa ka bilaambayo Soomaalida Jigjiga iyo kuwa Xamar soohdinta u dhaxaysa.
Sidaasoo ay tahay Xasan Sheikh iyo kooxdiisu waxa ilaa heerkaa gaadhsiiyey maaha inay difaacayaan ama u qareemayaan in Itoobiya ay Bad ka hesho Dhul Soomaaliyeed, balse waxa ay halganka ugu jiraan waa inay iyagu Dalkaas siiyaan Bad iyo Dekeddo waxa ay dhaafsanayaan aan la aqoon, iyadoo taasi ay tahay isku-daygii u dambeeyey ee gulufkooda siddeeda bilood socday ee ay kaga soo horjeedaan isfahamka Hargeysa iyo Addis Ababa oo in heshiis rasmi ah loo bedelaa gabogabo ku dhowdahay.
Si kastaba ha ahaatee, maamulka Xamar haddii uu Turkey, Masar iyo Talyaaniba soo kaxaysto ma joojin karaan aqoonsiga Somaliland iyo Iskaashiga dawladdaha caalamku la yeelanayaane, dagaalka daal korodhsiga ah ee ay ku jiraan, waxa uga haboon inay malaxad wanaag ku qaabilaan Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, haddii aanay taasi yeeli karin-na ay umaddooda bayhoofsan ka daayaan dhibaatooyinka kale ee ay u soo xawilayaan.