Bulshada Gabiley waxay Dhamaadka Bishan Heli Doontaa Biyo Macaan”…

0
63

 

Gabiley (Dawan): Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta biyaha jamhuuriyadda Somaliland Nafiisa Maxamuud Shirwac, ayaa shaacisay in dhawaan bulshadda gobolka Gabiley ay helayaan biyo macaan oo ku filan.

Nafiisa Maxamuud Shirwac, waxay sheegtay in dhamaadka bishan August, ee aan ku jirno in la qorsheeyay in Gabiley ay heli doonto biyo macaan, isla markaana ay hadda tijaabadii u danbaysay ay ku jiraan ceelasha biyo soo saarka Gabiley.

Agaasimaha guud oo uu wehelinayay maareeyaha wakaaladda biyaha Gabiley, iyo masuuliyiin kale ayaa soo kor meeray xarunta biyo soo saarka Gabilay ee deegaanka Botor, halkaasoo ay ka socoto diyaarinta ceelasha biyaha oo dayac tir lagu samaynayo.

Magaaladda Gabiley ayaa muddo dheer aan haysan biyo macaan, hase yeeshee agaasimaha wasaaradda biyaha ayaa tilmaantay in wixii hadda ka danbeeya guud ahaanba bulshadda Gabiley ay helayaan biyaha macaan.

Waxaanu qorshuhu yahay in guud ahaanba ceelasha biyaha ee ay Gabiley ka cabto la isku soo darro, isla markaana hal meel la isugu keenno, kadibna lagu shubo berkada kaydka biyaha ee magaaladda Gabiley.

U jeedadda kormeerka agaasimaha guud iyo masuuliyiinta kale ayaa ahayd sidii agaasimaha guud u soo indho indhayn lahaa isku xidhka ceelasha biyaha Gabiley, kuwaasoo muddo saddex bilood ah laga shaqaynayay.

Nafiisa Maxamuud Shirwac, oo arrimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi “Muddo badan waxaanu ka shaqaynaynay sidii ay magaaladda Gabiley u heli lahayd biyo macaan, oo ku filan. Gabiley awalba way haysatay biyo macaan, mana jirto wax ceelal ah oo ay wasaarada biyuhu u soo kordhisay, balse awalba ceelasheedu waxay u badnaayeen ceelal biyo macaan. Laakiin, waxay u baahnaayeen uun in la farsameeyo, oo ceelashaa biyaha macaan la isku soo xidho, oo meel la iskugu keeno.

Hawsha xidhiidhinta ceelasha biyaha Gabiley meel fiican bay maraysaa, intii ugu badnaydna wax yar ayaana ka dhiman, isla markaana dhawaan waxaanu xadhiga ka jari doonaa xidhiidhinta ceelasha iyo berkada kaydka biyaha Gabiley, marka ay dhamaato”.

‘Waxaan rejaynayaa in dhamaadka bishan August in ay ahwshaasi dhamaato, isla markaana ay magaaladda Gabiley hesho biyo macaan. Tirade ceelasha biyaha ee ku yaala deegaanka Botor ee biyo soo saarka Gabiley, waa todoba ceel biyood”ayay tidhi agaasimaha wasaarada biyaha Somaliland.

Geesta kael maareeyaha wakaaladda biyaha Gabiley, oo isna halkaa ka hadlay ayaa ka warbixiyay halka ay marayso hawsha sidii biyo macaan loogu soo saari lahaa Gabiley.

Waxaanu yidhi “Bulshadda Gabiley waxay sugayaan sidii ay Gabiley biyo macaan u heli lahayd, waxaanu ku han weyn nahay in bisha sagaalaad ee sanadkan dabayaaqadeedda in gebi ahaanba gobolka Gabiley uu helo biyo ku filan, oo macaan”.