Afar sano ka dib markii militariga ay xukunka ka tuureen madaxweynihii Mali ee xilligaasi oo uu xukunka la wareegay, dad badan oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya in dhibaatooyin dhaqaale ay ku jirto koronto la’aanta joogtada ay sii kordhayaan.
Inqilaabkii bishii Agoosto 2020 ka dhacay dalka dhibka badan ee Galbeedka Afrika waxaa ka dhashay cadho dadweyne oo ay la socdeen taliyayaal musuqmaasuq oo ay taageerayaan gumeystihii hore ee Faransiiska, waxaana ka dhashay kacdoonka jihaad doonka ah ee faafay iyo dhaqaale xumo. Qaar badan ayaa wali sugaya in noloshu ay horumarto.
“Sida ay u maareeyeen xaaladda korontadu waa dhibaato. Dad badan oo reer Mali ah ayaa la kulma khasaare weyn,” Oumar Diarra, oo ah kuwa sameeya alaabta guryaha, ayaa u sheegay Reuters. “Dowladdu waa inay dadaal sameyso, waayo dhibaato aad u weyn ayaa na haysata.”
Afgambigii 2020 ka dhacay Maali wuxuu gacan ka geystay in uu kiciyo mowjado afgambi ah oo ka dhacay gobolka Saaxil ee koonfurta saxaraha, oo ay ku jiraan dariska Burkina Faso iyo Niger, kuwaas oo la dagaallamaya isla kooxaha jihaad doonka ah ee xidhiidhka la leh al-Qaacida iyo Dawladda Islaamka.
Hogaamiyeyaasha militariga ee hadda ka jira dalka Mali, oo xukunka kula wareegay afgambi labaad 2021, ayaa ka baxay balan qaad ahaa in doorasho la qaban doono bisha Febraayo, dib u dhigista codbixinta ilaa aan la cayimin sababo farsamo awgeed.
Allasana Ag Agaly, oo ah birtume, ayaa sheegay in korontadu ay saameysay dhammaan qoysaska ku nool Mali. “Haddii madaxa qoysku subixii baxo oo uu soo laabto habeenkii isaga oo aan awoodin inuu shaqeeyo si uu wax u keeno qoyskiisa, waxay saameyn doontaa carruurta, haweenka iyo nolol maalmeedka,” ayuu yidhi.
Bangiga Adduunka ayaa sheegay in kobaca dhaqaalaha Mali la filayo inuu hoos u dhaco 3.1% sanadkan halka uu ka ahaa 3.5% sanadkii hore, iyada oo heerka faqriga uu sare u kacay. Qiyaastii 90% dadka Mali waxay ku nool yihiin faqri.
Hogaamiyayaasha militariga Mali oo ay wehliyaan kuwa Niger iyo Burkina Faso ayaa sidoo kale eryay ciidamada Faransiiska iyo kuwa Qaramada Midoobay oo muddo toban sano ah ku howlanaa la dagaalanka kooxaha Islaamiyiinta ah, waxayna taasi bedelkeeda u weecdeen Ruushka inuu caawiyo.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inay rajo ka qabaan, waxayna u arkaan dhibaatada hadda jirta inay tahay qiimaha lagu heli karo madax-bannaani weyn oo laga helo Faransiiska.
“Madax banaanida siyaasadeed haddii aan la helin madax-bannaani dhaqaale waa wax aan macno lahayn,” ayuu yidhi Alkady Haidara, oo deggan caasimadda Bamako. “Kaliya waxaan rabaa in reer Mali ay samraan, sababta oo ah waa qayb nolosha ka mid ah. Waa inaad soo martaa waqti adag si aad u hesho waqti ifaya.”