“Dal Aan Ciidan Adag Lahayni Waa Hilib Bisil..“ Madaxweynaha JSL

0
67

Oog- (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay muhiimada ay ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ay u leeyihiin dalka iyo dadka Somaliland iyo kaalinta ay kaga jiraan nolosha iyo horumarkja waddan leeyahay .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in dalka iyo ummadda aan lahayn ciidamo dhisan oo adag oo difaacaa uu la mid yahay hilib bisil oo ay bisaduhu cuni karaan, waxaanu tilmaamay oo uu si faahfaahsan u sharraxay muhiimadda ciidamadu dalka u leeyihiin.

Madaxweynaha oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Marka koowaad waxa aynu isla qirsan nahay, adduunkuna uu qirsan yahay, noloshuna ay si cad u tilmaamaysaa, Bani’aadamku meel uu joogaba in haddii aanu lahayn ciidan adag oo qaranka difaaca lahayn inuu qarankaasi yahay hilib bisil oo ay Bisaduhu cuni karaan is kaba dhaaf wax kale’e”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa tilmaamay in ciidanka Qaranku ay yihii dayr adag oo ay ku seexdaan bulshadu, isla markaasi dalka ka ilaaliya cadawga iyo bahalaha kana qayb qaata horumar kasta oo dalkooda ka socda waxaanu yidhi “Dadka ILLAAHAY qaar ba meel buu u diraa oo uu u dhib yareeyaa, adduunkan oo dhan waxa la og-yahay horumarka uu caalamku sameeyo waxa lagu sameeyaa meel nabad ah oo dayr adagi ku xidhan yahay, ciidamadu dal kasta iyo adduunka waxa ay yihiin dayrka ummad kasta halkaa ay joogto bahalaha ka ilaaliya ee cadawga ka qabta, mar labaad Tiknooljiyadda adduunka horumartay oo dhan boqolkiiba sideetan, waxa soo saaray oo hal-abuuray ciidamo, may aburin dad shacab ahi.

Ciidanka Somaliland waxa marag ma doon ah oo intii aynu jirnay aan qirayaa, shacabkuna idiin qirayaan oo xaqiiqo ah iyaga oo ah dawlad aan la ictiraafsanayn oo dagaal dheer iyo halgan dheer oo SNM ah ka soo baxay oo aan ku xisaabtamin aan wax dhisano in aanu cadawgii maalin qudha inaga nasan haddaba waji uu yeeshaba, waxa markhaati ma doon ah in ciidanka Somaliland uu yahay bir adag oo afartankii sano ee u danbaysay dadkooda iyo dalkooda daafacayay, kuwii hore eek u shahiiday, kuwa naafadda ah ee ka gaboobay, kuwa imika tababaranaya, kuwa soo socda ee u halgamaya iyo kuwiina maanta xilkaa culus Qaranka u hayaba dhammaantooda waxa la qirayaa inay yihiin halyeeyo noloshood u hibeeyay inay nabad gasho inta kale oo ay hore u marto oo ay dadka in yari yeeli karto”.

Gebo’gabadii Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ciidanka Qaranka ku baraarujiyay in aanu joogsanayn dagaalku ilaa guusha laga gaadhayo, lagana gaadhay Somaliland oo isku Qaranimadeedii lixdankii waxaanu yidhi

“Dagaalku marka uu socdo illaa guusha la gaadho ma dhamaado goob walbana maalin wax ku gaadhaan iyo goob yar oo maalin wax ka dhacaan maaha wax la yidhaahdo waxbaa dhacay, qaar kale dhici doona, kuwa kale ayaynu gali doonaa ilaa aynu gaadhno Somaliland oo dhan Qaranimadeedii lixdankii oo la helana taasi ayaynu wadaynaa”.