Guurtida oo Ansixiyay Ajandaha Kalfadhiga 85-aad oo ay ku jiraan Qodobo Mihiim ah

0
82

Qore: Khadar Xaashi

Hargeysa (Dawan) Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa shalay waxay cod gacan taag ah ku ansixiyeen Ajandaha Kalfadhiga 85-Aad ee ay ku Shaqayn Doonaan inta ay ku gudo jiraan kalfadhigan. waxana ku jira qodobo mihiim ah.

Fadhiga Golaha Guurtida Somaliland oo uu shir guddoominaayey Guddoomiyaha Golaha guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Mudanayaasha Golahaasi waxay cod gacan taag ah ku meelmariyeen ajandahooda kalfadhiga 85-aad,taasoo codaynta ka dib Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan uu si rasmi ah ugu dhawaaqey natiijada ay ku ansixiyeen ajandahoodaasi.

Guddoomiye Saleebaan ayaa sheegay in ay ogolaadeen 38 Xildhibaan, lix mudane ayaa diiday waxaan ka aamusayna ma jiro , guddoomiye Saleebaana ma codayn.

Sidaasi ayey ku meelmariyeen mudanayashu ajandahoodaasi kalfadhiga 85-aad oo ay ku howlgalayaan inta ay ku gudo jiraan kalfadhigan.

Gaba-gabadii Guddoomiyaha Golahaas Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Mudanayaasha Golahaasi kula dardaarmey in fadhiyada Golahaasi leeyahay xildhibanadu ku dadaalaan sidii uga qeybqaadan lahaayeen.