Todoba Faa’ido oo ku Lamaan Safarka Madaxwaynaha JSL

0
82

 

Qore: Khadar M.Xaashi

Hargaysa (Dawan) Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa safar ugu baxay gobolada Bari ee Somaliland kuwaasi oo si diiran loogu soo dhawaynayay haddaba deegaanka ay booqdaan.

Qoraalkeenan kagama waramayno soo dhawaynta madaxwaynaha iyo weftigiisa iyo safarkan ujeedadiisa balse waxa aynu dhinac ka daalacan doonaa ma jiraan faa’iidooyin uu bulshada u leeyahay safarkan uu madaxwaynuhu ku booqanayo deegaanadooda iyo wax ay ka dheefayaan aragtida madaxwaynahooda.

Waxa aynu soo qaadanaynaa todoba faa’iido uu safarka madaxwaynaha Somaliland uu faa’iido ugu leeyahay bulshada ku nool gobolada Bari ee Somaliland, isla markaasina ay ka dhaxlayaan socd.aalka madaxwaynaha iyo weftigiisa.

Todobada faa’iido ee safarka madaxwayanuhu u leeyahay bulshada ku nool gobolada Bariga Somaliland ayaa waxa ay kala yihiin sidan:-

Xog-ogaal u noqoshada xaaladda bulshada

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland safarkiisan gobolada Bari ee Somaliland waxaa uu kula kulmay bulshada deegaanadaasi oo goob kasta, Geed kasta iyo Guri kastaba ay isku hor fadhiisteen isla markaasina ku kala war qaateen, halkaasina uu madaxwaynuhu qaybaha bulshada ula kulmay si gaar gaar ah, waxaana bulshada faa’iido u ahayd inay arkaan madaxwaynahoodii oo ay kala hadlaan baahi kasta oo ay dad ahaan iyo deegaan ahaanba tabayeen.

Baraarujinta Difaac Dalka iyo Dadkaba

Faa’iidooyinka safarka madaxwaynaha ee Bariga Somaliland ayaa waxa ka mid ah ku baraarujinta bulshada iyo ciidankaba difaaca dalka iyo dadkaba, taasi oo uu madaxwaynuhu ku booriyay ciidanka Qaranka ee jiidaha hore in dagaalku soconayo ilaa la gaadho xuduudkii Somaliland ee lixdankii, arrintan ayaa ciidanka Qaranka u noqotay shidaal iyo mooral dhis ay ku hantaan xuduudka dalka.

Midaynta iyo jihaynta bulshada

Safarka madaxwaynaha Somalland ayaa ahaa mid midaynayay bulshada ku nool gobolada uu marayay madaxwaynuhu, iyaga oo si isku mid ah ugu soo baxayay soo dhawaynta madaxwaynaha hal melena uga soo wada jeestay, waxaanay ahaayeen bulshadu kuwo isku duuban oo mid ah.

Sidoo kale madaxwaynaha Somaliland ayaa ay bulshadu ka faa’iideen inuu u jiheeyo dhinaca nabadgelyada iyo doorashooyinka oo uu ugu baaqay inay nabadana ilaashadaa doorashada u diyaar garoobaan, waana faa’iido ay bulshadu ka dhaxleen safarka madaxwaynahooda.

Horumar iyo waxqad

Faa’iidooyinka kale ee ay bulshadu ka dhaxleen safarka madaxwaynaha ee Bariga Somailand waxa ka mid ah xadhiga ka Jarka mashaariic kala duwan oo ay xukuumaddu ka hirgalisay goboladan, kuwaasi oo ay bulshadu baahi wayn u qabeen, waxa ugu mudnaa oo noloshada bulshada taabanayay biyaha iyo ceelasha oo ay u riyaaqeen bulshadu.

U mahadcelinta Ciidanka Qaranka

Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo booqday furimaha ciidanka ee jiidaha hore ayaa qiray awooda iyo waxqabdka ciidkan Somaliland iyo sida ay heeganka ugu jiraan inay difaacaan dalkood, waxaanu ku sifeeyay naftood horayaa dhiigooda u hibeeyay dadkooda iyo dalkooda, waxaanu ugu mahadnaqay si wayn oo ixtiraam leh, waana faa’ido ay ciidanka Qaranka dalku ay ka heleen safarka madaxwaynaha ee gobolada Bari ee dalka.

Muujinta Haybada dawladnimo

Faa’iidooyinka safarka madaxwaynaha waxaa ka mid ahaa muujinta haybada dawladnimo ee Somaliland, taasi oo laga dheehanayay madaxwaynaha iyo weftiga la socday hannaan dawladnimo, marka laga eego dhinaca ciidanka ilaalada ee madaxwaynaha iyo qalabyntooda, gaadiidka madaxwaynaha oo ahaa kuwii u danbeeyay oo ay yartay in madaxwayne Soomali ah uu isticmaalo.

Walaalaynta bulshada

Faa’iidooyinka ku lamaan safarka Madaxwaynaha Somaliland ee Bariga Somaliland ayaa waxa ka mid ah in la walaaleeyo bulshada ku nool gobolada Bari ee Somaliland oo meelaha qaar ay ka jiraan dhibaatooyin yar yar kuwaasi oo laga dhaxlay dagaalo u dhexeeya beelaha walaalaha ah ee qaar ka mid ah deegaanada gobolka Sanaa goo uu weftiga madaxwaynuhu gaadhay.